Filashada Madaxweynaha JSL  Ka  Rejaynayo Curashada Sanadka Cusub Ee Hijriga oo Caawa Kow Ah

Madaxweynuhu Wuxuu Shucuubta Islaamka u Rajaynayaa in sannadkani la Kowsado Nabadgelyo & xasillooni buuxda”

Hargeysa (Togaherer) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa hanbalyo iyo duco u diray dhammaan shucuubta islaamka ah gaar ahaan shacbiga Somaliland, munaasibadda curashada sannadka cusub ee islaamka awgeed.

Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada JSl soona gaadhay warbaahinta Togaherer ayaa u qornayd sidan: –

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu munaasibadda curashada sannadka cusub ee islaamka ee 1443-ka Hijriyada awgii uu hanblayo, bogaadin iyo ducaba u diraya guud ahaan shucuubta Islaamka gaar ahaan shacbiga Somaliland meel ay joogaanba.

Sidoo kale madaxweynuhu waxa u hanbalyo taa la mid ah u dirayaa waddamaada iyo shucuubta muslimiint ah ee dacallada dunida ku nool, isagoo ku tahniyadaynaya curashada sannadka cusub ee Islaamka oo ku beegan maalita berri ah oo Isiniin ah. Madaxweynuhu waxa uu ilaahay uga baryayaa inuu shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sannadkan sannadkiisa ku gaadhsiiyo bash bash, badhaadhe iyo barwaaqo, inta buktana uu ka dulqaado xannuunka, inta caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimmatayna uu naxariistiisa janno ka waraabiyo.

Ugu dambayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu shucuubta Islaamka u rajaynayaa in sannadka cusub uu ula kawsado nabadgelyo iyo xasillooni buuxda,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedkaasi kasoo baxay madaxtooyada soona gaadhay xafiiska warqabadka Togaherer ee Hargeysa.

Advertisement

Ku Xayeysiiso