Daawo/Degdeg: Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Ee Cusub oo caleemo saaray Cabdirisaaq Khaliif oo ku guulaystay 42 cod.

Guddoonka Golaha Wakiilada Somaliland oo la doortay

Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa loo doortay guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada Somaliland kadib tartan adag oo dhex maray Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo ka tirsan xisbiga haya talada Somaliland ee Kulmiye.

Cabdirisaaq Khaliif oo ka socda xisbiga Waddani ayaa helay codad gaarayo 42 cod.

Faratoon iyo Cabdirisaaq oo loo qori tuuray

Labada musharax ee guddoonka baarlamaanka Somaliland ayaa loo qori tuurey xagga kala horeynta kooda loo hor codeynayo.

Tani ayaa ka dambaysay kadib markii xildhibaanada ay ku kala aragti duwaanaadeen kooda horeynaya.

Xildhibaanada Kulmiye ayaa ayaa ku dooday in magaca xisbiga la adeegsado oo sida ay ugu kala horeeyaan alif beetada loogu kala hor codeeyo , halka xisbiyada Waddani ay qabeen in la isticmaalo magacyada musharixiinta.

Kadib tashi ay sameeyeen shir guddoonka ayay ku go’aamiyay in loo qori tuuro, waxaana lambarka koowaad heley Yaasiin Faratoon, halka Cabdirisaaq Khaliif uu heley nambarka labaad.

Advertisement

Ku Xayeysiiso