DAAWO Oo Dhuux Farriin Dardaaran ah Oo Abwaan Xasan Ganey  Faraqa ugu guntay Golaha cusub ee wakiillada ” Xilku Nin wuu dhibaa, Ninna waa uu dhibaaye, waxan idiin sheegayaa…”

DAAWO Oo Dhuux Farriin Dardaaran ah Oo Abwaan Xasan Ganey  Faraqa ugu guntay Golaha cusub ee wakiillada ” Xilku Nin wuu dhibaa, Ninna waa uu dhibaaye, waxan idiin sheegayaa…”

“Dadku Waa in Ku Tasaysa iyo In Ku Tabta

“Haddaanu nahay fanaanniinta qaranka talooyinka iyo tusaallaha aanu bixinaynaa waxay ku socotaa 82ka xubnood ee golaha baarlamaanka Somaliland.

Waxaan idiin sheegaynaa aanu  Mar walba annagu u hiilinayno 82ka xubnood ee la soo doortay, hadday waajibka aanu u diranay kasoo baxaan waanu u Hiilinaynaa oo qoortayada ayaanu u hibaynaynaa, Hadday xilkooda ka baaq-daanna waanu ku dhilaynaa oo waanu toosinaynaa meel walba waanu eryanaynaa. Xilkuna waxa weeye nina wuu dhibaa, ninna waa uu dhibaaye, waxaanu ka rejaynaynaa golaha wakiilladu kuwii uu dhibo ee uu diro ee damqada inuu illaahay ka dhigo.”.

Waxaanu leennahay isku duubnaan beynu isku ognahay, ee midooba. Wixii xunna wada mucaarida, wixii wanaagsanna meel uga soo wada jeesta sidaasay innoogu badinaysaa”.

“Idinkoo xaq ku taagan cidda Idinka hor timaadana annagaa hiil iyo hooba isla kiin garab taagan

Advertisement

Ku Xayeysiiso