WARBIXIN UPDATE AH: Xildhibaankii 12aad Ee Isbahaysiga Ka Tagaa Wuxuu Tirada Rasmiga ah Ee Xisbiga KULMIYE Xilligan Haysto ka Dhigayaa…..

Loolankii Shir-guddoonka Golaha wakiillada Oo Sii Adkaaday, Wakhtiga Oo Cidhiidhi Ku Ah Labada Dhinac & Xildhibaankii 12-aad Oo Ka Tagay Isbahaysiga Mucaaradka

Hargeysa (Togaherer) – Waxa Weli Somaliland ka socda loolanka Xisbiga KULMIYE iyo Isbahaysiga Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID ugu jiraan kala jiidashada Xildhibaannadii uga soo baxay Doorashadii Golaha Wakiillada ee dalka ka dhacday 31-ka bishii May ee sannadkan 2021.

Isbahaysiga Mucaaradka iyo Xisbul-xaakimka, ayaa mid walba dhankiisa wuxuu ku dedaalayaa inuu helo aqlabiyadda Xildhibaannada, si loo doorto Xubnaha ay u soo xuleen Shir-guddoonka Golaha cusub ee Wakiillada, waxaana iska soo daba dhacaya Wararka la xidhiidha in Xildhibaan ka soo baxay Xisbiyada Mucaaradka ahi uu ku biiray xagga Muxaafidka ah, si uu Maalinta doorashada Shir-guddoonka ugu codeeyo xubnaha uu wato KULMIYE, halka ay taa barbar socdaan Xildhibaano Muxaafid ah oo la aragti noqday Isbahaysiga Mucaaradka, si uu ugu codeeyo xubnaha ay u soo xuleen Shir-guddoonka.

Sidaasi darteed, Jimcihii Shalay Xildhibaan Xisbiga WADDANI uga soo baxay Gobolka Togdheer, ayaa la aragti noqday Xisbul-xaakimka, waxaanu taageeray in Faratoon loo doorto Guddoomiyaha Golaha Wakiillada.

Xildhibaankan oo Magaciisu yahay Axmed Maxamuud Fanax, ayaa ka soo muuqday Warbaahinta Bulshada, isagoo la sawiran Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo Kulmiye ugu sharraxan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo Xubno kale oo ka mid ah xisbigaasi.

Xildhibaan Fanax, ayaa noqonaya Xildhibaankii 12-aad ee u soo baxay Xisbiyada Mucaaradka ah, balse u digo-rogtay isla-markaana la fikir noqday Xisbul-xaakimka Kulmiye, waxaanu tirada Xildhibaannada uu Xisbiga KULMIYE xilligan haysto ka dhigayaa 40, maaddaama oo KULMIYE laftiisa ay ka tageen laba Xildhibaan oo uga soo kala baxay Gobollada Sool iyo Awdal, taasi oo Macnaheedu yahay in weli Isbahaysiga Mucaaradku ay haystaan Aqlabiyadda Golaha Wakiillada.

Sida uu saaka  boggiisa hore Wargeyska Geeska Afrika oo TOGAHERER.COM  warkan kasoo xigtay  ku soo daabacay  Xildhibaannada Isbahaysigu u diyaarsadeen Doorashada Shir-guddoonka Golaha Wakiillada ee cusub iyo kuwa Xisbul-xaakimku diyaarsaday ayaa tiro ahaan aad isugu dhaw, waxaana xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddiisa oo xeelado badan adeegsanayaa isku dayayaan inay Xildhibaanno kale oo Mucaarad ah ku qanciyaan inay codkooda siiyaan Faratoon iyo Xubnaha kale ee ay u soo xuleen Shir-guddoonka Golaha Wakiillada, laakiin waxa jira culays badan, maaddaama oo wakhtigii Madaxweynuhu fadhiisinayey Golaha Wakiillada dhaw tahay, Isbahaysiga Mucaaradkuna ay wadaan dedaal ah inaan lagaga adkaan doorashada Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland.

Xisbiyada UCID iyo WADDANI, ayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada u sharraxay Cabdirisaaq Khaliif Axmed, halka xisbiga Kulmiye iyo garabka UCID u sharaxeen Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).

Togaherer.com
News desk
Hargeisa office

Advertisement

Ku Xayeysiiso