Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Shacabka Caasimadda Hargeysa Kala Qaybgalay Ololaha Nadaafadda

Hargeysa-29-07-2021-(THN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta shacabka Hargeysa kala qaybgalay Olole ballaadhan oo dhinaca nafaafadda ah, kaas oo laga hirgeliyey degmooyinka kala duwan ee caasimadda.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan masuuliyiinta dawlada Hoose oo uu ugu horreeyo maayarka caasimaddu iyo xubno kamid ah golaha wasiirrada, ayaa boqollaal katirsan shacabka degmooyinka kala duwan ee caasimadda kala qaybgalay ururinta qashinka iyo dedaallada ay ku nadiifinayaan jidadka, togagga iyo shaaracyada magaalada oo saaka hiirtii hore bilaabmay.

Madaxweynaha iyo xubnaha wehelinayaa waxa iyaga oo ku qalabaysan agabka kala duwan ee qashinka lagu guro ay gacmaha ula tageen xashiishkii yaallay degmooyinkii ay saaka gaadheen ee ololaha nadaafaddu ka socday, waxana ay bulshadii ay halkaas kula kulmeen ee shaqaynayey ku dhiirrigeliyeen inay dedaalkooda nadaafadeed libinlaabaan, magaaladana ka dhigaan mid nadiif ah.

Ugu horrayn maayarka caasimadda Hargeysa, Mudane Cabdikariin Axmed Mooge oo qayb ka ahaa ololaha saaka oo halkaas ka hadlay, ayaa madaxweynaha iyo masuuliyiinta dawladda ee la socotay ugaga mahadnaqay sida ay ugala qaybgaleen ololaha nadaafadeed ee ay shaaciyeen, waxana uu tilmaamay in imaatinka madaxweynuhu sharaf iyo dhiirrigelin u tahay shaqaalaha dawladda Hoose iyo guud ahaanba shacabka caasimadda ku dhaqan, waxana uu yidhi,“Madaxweyne haddaanu nahay dawladda Hoose ee Hargeysa waxa noo sharaf ah in adiga iyo golahaagii wasiirradu aad nala joogtaan oo aad qashinka gacmaha ula tagtaan, tanina waa dhiirrgelin weyn, waxana ay dhiirrigelin u tahay shaqaalahayaga iyo dadweynaha reer Hargeysa ee usoo diyaargaroobay inay magaalada nadiifiyaan.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kadib markii uu shacabka kala qaybgalay gurista qashinka halkaas ka hadlay, ayaa bulshada usoo jeediyey inay xil weyn iska saaraan nadiifinta magaalada, gacmahana isu qabsadaan sidii ay caasimadda Hargeysa ugu dhigi lahaayeen mid magaalooyinka dhiggeeda ah la tartanta, kana faa’iidaystaan xooggooda, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “17 wiil oo aynu dooranay wax badan qaban kari maayaan oo way ordi doonaan, wayna daali doonaan, Milyan iyo badh baana Hargeysa ku nool, dadkaana ka hurda inay ololaha nadaafadda ee waa inoo nadaafad iyo qof walba.”

Madaxweynuhu waxa uu hogo-tusaaleeyey sida loogu baahan yahay in qorshe cad oo qaran laga yeesho qashinka, si loo yareeyo dhibaatada nololeed iyo midda biliceed ee uu bulshada ku hayo,“Dawladda Hoose iyo ta dhexeba waxa ku waajib ah inay diyaariyaan habkii qashinka loo ururin lahaa ee loo maarayn lahaa oo ah in marka hore in la qabto oo meelo yaryar lagu ururiyo, kabacdi la isu geeyo iyo sidii loo tirtiri lahaa iyo marka xataa la baabi’inayo inaanu dhibaato inoo keenin,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Advertisement

Ku Xayeysiiso