Ex-wasiir Yuusuf Garas Oo Gorfeeyey Qoddobo uu Xil. CABDIRISAAQ KHALIIF Qiil Ugu Samaynayo Dooddiisa Ka Dhanka Ah FARATOON

Ex-wasiir Yuusuf Garas Oo Gorfeeyey Qoddobo uu Xil. CABDIRISAAQ KHALIIF Qiil Ugu Samaynayo Dooddiisa

“Xil. Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo aan dhagayestay waraysiyo u bixiyey waxa uu dhaliil ka dhigayaa Faratoon Waa….”

Hargeysa (Togaherer) Ex wasiir Yuusuf Cismaan Garas oo xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo Xilal kala duwan ka soo qabtay ayaa meesha ka saaray qoddobada uu xil. Cabdirisaaq Khaliif u daliishanayo in aanu xil. Faratoon geyin qabashada hoggaanka golaha wakiillada.

Wasiir Garas oo qoraal kooban boggiisa Facebook ku baahiyey waxa uu farta ku fiiqay in aanay meelna shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah toona kaga jirin in aqlabadiyada golaha wakiillada haddii ay labada xisbi mucaarid helaan ay xaq u leeyihiin kuraasta shirgudoonka golaha. Taas bedelkeedana cidii damacu ka hayo hanashada hoggaanka golaha ay xaq digtoori ah u leeyihiin inay ku kala baxaan codka mudaneyaasha kale ee lasoo wada doortay.

Qoraalka Md. GARAS Oo dhamaystirnaana waxa uu u dhignaa sidan:

Sharciga dalka meelna kaga ma taalo hadii laba xisbi ay helaan aqlabiyada xildhibaanada in ay sidaas ku noqon garaan shir-gudoon ka golaha wakiilada. Shir-gudoonku sida uu sharcigu dhigaayo waa in ay mudanayaasha wakiiladu u codeeyaan.

Da’ada aadamaha waxa loo qaybiya saddex meellood oo kala ah caruurnimada, gashaan-qaad, qaan-gaadhnimo iyo waayeelnimo.
Xildhibaan Abdirisaq khaliif laba sadex jeer oo aan dhagayestay waraysiyo u bixiyey waxa uu dhaliil ka dhigaya waa da’a Xildhibaan Yasiin Faratoon. Haddaba sida uu dastuurka dalku dhigaayo waxa looga baahan yahay qofka xil qaran qabanaya waa in uu jidh ahaan iyo maskax ahaan u caafimaad qaba. Balse sharciga dalka iyo diinta midna meel kagama qorna hadaad waayeel noqoto xil umadda uma qaban gartid. Da’da uu hadda ku jiro Xildhibaan Faratoon waa da’da mudakarnimo ah, oo afka qalaad lagu yidhaa Senior Citizen oo ah xilligii waayo aragnimadiisa iyo garashada gaamurtay ba laga faiidaysto.

Advertisement

Ku Xayeysiiso