“Yaan la idin khaldine Xildhibaankani  mid KULMIYE xisaaabtaba ugu jiray muu ahayne waa kii…” xisbiga KULMIYE oo ka Hadlay Xildhibaanka u digarogtay ISBAHEYSIGA

Mid kamid ahaa Xildhibaannada Habarjeclo ee Maxamuud Xaashi Ku Dhex Lahaa KULMIYE  Oo Caawa Mabda’iisii lasoo baxay

“Waxaan ka soo bad baaday af duub ugub ku ah siyaasada Somaliland.” Xildhibaan Mustafe oo caawa ku biiray Isbahasiga Mucaaradka waxa uu sheegay in la afduubay oo la doonayey in lagu hayo Dalka Itoobiya.

Waxa kale oo uu sheegay xildhibaanku inuu ka soo baxsaday magaalada Addis-ababa oo Mobiladiisii iyo dharkiisiiba uu kaga yimi gurigii la dejiyey.

“Maanta duhurkii ayaan soo galay Hargeisa waxaan ka soo bad baaday af duub ugub ku ah siyaasada Somaliland oo arimihii Localka ahaa ee laysku hayey iyo loolankii Shirgudoonka anigoo ah xildhibaan qaran oo shacab isoo doortay laygula kacay afduub.” ayuu yidhi Xildhibaan Mustafe Axmed

Xildhibaan Mustafe Axmed Khayreeye, oo Kamid ah Xubnaha Xildhibaanada Kasoo Baxey, Xisbi Xaakimka KULMIYE Degmada Caynaba ayaa, Hadda u Wareegay Dhinaca Isbaheysiga Mucaaridka kadib, Markii Galinkii Dambe ee Maanta uu Kasoo Wareegay dhinacaasi. Dhinaca kale siyaasi Ibraahin Caydiid oo ka mid ah saraakiisha xisbiga Kulmiye ee ku dhaqan wadanka Australia ayaa qoraal kooban oo uu baraha baraha ku baahihey ku sheegay inaanu Xildhibaankani ahayn xubnihii uu xisbiga KULMIYE ku xisaabtamayay

“Yaan la idin khaldin Xildhibaanka caawa hadlay mid Kulmiye xisaaabtaba ugu jiray muu ahayne waa kii ugu horeeyey ee ka tegay oo lagaga jawaabayo Raga Waddani ka soo digo rogtay.” Sidaas ayuu yidhi Ibraahin caydiid.

 

 

Xildhibaan Mustafe Axmed Khayreeye iyo Macalinkiisa ku soo daray siyaasadda ee uu mabda’iisa ku shaqeeyo

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso