DP WORLD oo Caqabad ku noqotay Xoollo Ka Badan 35 kun oo Neef oo Ku Xaniban Dekedda Berbera

 

Ganacsatada Reer Somaliland Ee Xoolaha Dhoofiya Oo Sida Fiinta Ugu Qayliyay Dp World Oo Diiday In Xoolahoodu Dekeda Ka Dhoofaan Iyo Khasaare dhaqaale ee soo food saaray!

Berbera (Togaherer)-Xoolihii Ugu Badnaa Ee Ay Leeyihiin Ganacsatada reer Somaliland ee xoolaha dhoofiya ayaa mudo 12cisho ku xaniban magaalada berbera kadib Markii Ay Dp World Diiday In Ay Xoolahani dekeda berbera uga dhoofaan sidii ay hore ugaga dhoofi jireen
Wararka Aanu ka helayno Magaalada berbera iyo qarkamid ah Ganacsatada Reer Somaliland Ee Xoolaha Dhoofaya oo aanu la xidhiidhnay ayaa sheegay in shirkada gacanta ku haysa dekeda berbera ee Dp World Ay Diiday In Maraakiibka Xoolaha qaada amaba alaabada keena ee dekeda kuso xidhata la saaro xoolahan oo loo dhoofinayay wadamada sucuudiga,yemen iyo Emaraadka Carabta
Sidoo kale ganacsatada reer somaliland ee xoolahan leh oo kulan la xidhiidha cabashadooda la yeeshay maamulka shirkada dp world ayay usheegeen in DP WORLD Ahaan aanay xooluhu muhiim u ahayn qorshahooga ay dekeda ku maamulaan islamarkaana aanay suurto gal ahayn in habeen walba ay dekeda ka dhoofaan xoolo. Iyadoo ay joogaan maraakiibtii iyo doon yihiin qaadayay.
Hadalka kasoo yeedhay maamulka shirkada ayaa noqday mid niyad jab ku riday ganacsatada xoolaha dhoofiya oo wakhtigan Ay tahay xiligii ay xoolaha ugu badan ee somaliland udhoofiyaan wadamada carabta kuwaasi oo suuqyada carabta lagu iibsado xiliga xajka .
Dhanka kale ganacsatada xoolaha dhoofiya ee mudo 12 cisho ay xoolohoogu ku xaniban yihiin Xeryaha Magaalada berbera ayaa sheegay in kharashka ku kordhay uu ku keenayo khasaare dhaqaale oo balaadhan iyadoo xataa marka ay dekeda ka baxayaan ay ku korodhay lacagta laga qaadayaa.
Xoolaha ku sugan xeryaha berbera oo 30000kun neef yihiin Adhi halka 450neefna Ay yihiin lo, ayaa mudada ay ku jiraan xeryaha magaalada berbera oo xiligan kulayl ah waxa ku yimid isbadal dhinaca miisaanka ah taasi oo hoos udhac ku keenaysa Qiimihii Uu neefku ka joogay sayladaha loo iib gaynayo halkii uu hore ka taagnaa suuqyada lagu iibsado.
Midkamid ah gancsatada xoolaha dhoofiya oo ka hadlay xanibaada iyo dhibaatada ay ku hayso shirkada Dp Worlda ayaa xukuumada Somaliland ugu baaqay in ay si deg deg ah wax uga qabato cabashadooda isagoo sheegay in Uu ka Dhacayo wakhtigii loogu talo galay in ay gaadhaan wadamada ay udhoofinayaan ismarkaana iyadoo lagu jiro wakhtigii xajka oo xoolaha Somaliland ugu suuq waynayaagsanaayeen taasi oo aanay qaadi karin khasaaraha ay kala kulmayaan, iyadoo dhaqaalaha somaliland iyo dadka xoolo dhaqatada ahi ay ku tiirsan tahay nolashoodu taasi oo ku keenaysa dhaawac dhaqaale oo aanay kasoo kaban karaynin dhaqaale ahaan.
Xukuumada somaliland ayaan wali wax talaabo ah ka qaadin dhibta shirkada Dp World ku hayso ganacsatada xoolaha dhoofiya ee Reer somaliland taasi oo hadaan mudo laba cisho guhadood ah wax lagaga qabanin ay soo food saarayso khasaare dhaqaale oo culus halka xooluhuna ay adkaanayso nololshoodu maadama ay ku ku sugan yihiin dhul kulul oo suurtogal ay tahay in qaban waayaan rarka markabka qaadayan.
Isku soo wada duub oo xukuumada Somaliland ayaa looga fadhiyaan in ay si deg deg ah wax uga qabato cadaadista ay ganacsatada ku hayso shirkada gacanta ku haysa dekeda berbera ee Dp World maadama ay masuuliyinta iyo ilaalinta ganacsada dalka ay saran tahay xukuumadu oo iyadu heshiishka dekeda la gashay shirkada waajibna ay tahay in la ilaaliya ganacsada dalka oo iyagu ah cashuur bixiya ugu way nee xukuumada Somaliland ka hesho dhaqaalaha .

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso