Ra’iisul Wasaare Rooble: ” Wadahadal keliyaee wax kasta lagu xalin karo .. Ciidamada Xooga dalkuna waxaan farayaa in ay waajibaadkooda gutaan”

Muqdisho, Abriil 26, 2021;Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlay rabshadihii ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay ka xun yihiin dhacdadaasi, oo lagu khalkhalgelinayey ammaanka caasimadda, iyadoo aan la dhawrin xurmadda bisha barakaysan ee Ramadan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dadka iyo dhinacyada ku lugta lahaa rabshadahaasi ugu baaqay in nabadda la dhawro, isla markaana loo turo shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale faray ciidamada qaranka iyo laamaha ammaanka inay gutaanka waajibkooda sharciga ah ee ilaalinta nabadda iyo badqabka muwaadiniinta. Mudane Rooble ayaa ciidanka ku adkeeyey inay ka hortagaan khatar walba oo lala damacsan yahay amniga.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku celiyey in xukuumaddu ay aaminsan tahay in wadahadal keliya lagu xallin karo arrimaha taagan, isagoo tilmaamay in dadaalada wadahadalada uu isagu horay u bilaabay ay xukuumaddu sii xoojin doonto. isla markaana uu ku raja-weyn yahay in dhammaan tabashooyinka jira guul iyo isfaham laga gaari karo.

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay waxgaradka, culimada, bulshada rayidka, ganacsatada, haweenka iyo dhalinyaradu inay kaalintooda ka qaataan adkaynta nabagelyada iyo xasiloonida dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

Advertisement

Ku Xayeysiiso