Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Warbiximo Lagaga Dhegeystay Wasiirrada Wasaaraddaha Caafimaadka, Ganacsiga,  Diinta iyo Awqaafta.

 

Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Warbiximo Lagaga Dhegeystay Wasiirrada Wasaaraddaha Caafimaadka, Ganacsiga,  Diinta iyo Awqaafta.

Fadhigii 72aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo ku qabsoomay habka Maqalka iyo Muuqaalka ah ee (Video Conference), ayaa warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wasaaradaha Horumarinta Caafimaadka, Diinta iyo Awqaafta iyo Ganacsiga, Wershedaha iyo Dalxiiska Somaliland.

Ugu horray wasiirka horumarinta Caafimaadka, ayaa golaha uga war-bixiyey Xaaladda xannuunka Covid 19 ee dalka oo wakhtigan soo laba kacleeyey, isagoo sharaxay kor u kaca xannuunkaaas  ee bilaha Jeeniweri ilaa Maaraj ee 2021, inta la baadhay bulshada. Waxaanay u kala saaray wasiirku sidan:-

 

Bilaha Sannadka Inta qof ee La Baadhay Inta qof ee laga helay Inta Dhimatay
Jeeniweri 4,339 59 2
Feebarweri 5,059 232 13
Maaraj 4,055 607 29
Sannadkan 2021 13,453 898 44

 

Goluhu waxa uu mar kale isla qaatay in taxaddirkii la xoojiyo, lana raaco tilmaaha Wasaarada horumarinta caafimaadka ee ay ugu mihiimsan yihiin, kala fogaanshaha, xidhashada af-saabka iyo faraxalka. Dhawaanna ay go’aamo soo saari-doonaan guddida heer qaran ee ka hortagga xanuunka covid 19.

 

 

Dhinaca kale,  wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Golaha uga war-bixiyey Xaaladda Abaaraha ee dalku ku sugan yahay hadda, ayaa tilmaamay guud ahaan in biyo la gaadhsiiyey 130(saddex boqol iyo Soddon) Tuullo, kuwaasoo loo qaybiyey 37,800 (Toddoba iyo soddon kun iyo siddeed boqol) oo foosto.

 

Wasiirku waxa uu  xusay in biyo-dhaamiskan oo xukuumaddu ay qaybisay wakhtigii ay deegaannadaasi aad ugu baahnaayeen inay biyo helaan, hadii gurmadkani dib uga dhici lahaana ay ku tagi lahayd dadkaasi inay ku iibsadaan guud ahaan lacag ka badan 154,000  oo doolar (Boqol iyo Afar iyo Konton Kun oo dollar), balse ay dedaal balaadhan xukuumaddu gelisay sidii dadkaasi loo gaadhsiin lahaa biyo bilaasha oo ay qaybinayeen  Booyadaha dawladdu ugu tallo gashay inay wakhtiga abaaraha bulshada harraaddan u dhaamiyaan, horena loogu iibiyey gurmadka abaaraha.

 

Tuulooyinka ugu daran ee biyo la’aantu ka jirto ee Xukuumaddu biyaha gaadhsiisay waxa ay ka tirsan yihiin Gobollada kala ah: Gobolka Togdheer, Gobolka Saraar, Gobolka Sool, Gobolka Sanaag, gaaar ahaan (Ceel-af-weyn iyo Gar-adag, Gobolka Maroodi-jeex, gaar ahaan (Cadaadlay iyo Sallaxlay).

 

Ugu danbayntiina waxa goluhu warbixin ka dhegeystay wasiirka Ganacsiga, wershedaha iyo dalxiiska oo golaha faah-faahin ka siiyey Shidaalka qaaliyoobay maalmihii u danbeeyey.

 

Warbixinta ka dibna, wasiirka waxa loo xilsaaray; in uu ka hawl-galo sidii bulshadu u heli lahayd shidaal jaban, maadaama wakhtigan ay abaaro ba’ani ka jiraan deegaanno badan oo Jamhuuriyadda Somaliland ka mid ah.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso