Geesiyaashii Qarsoonaa ! Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed Bristol. UK

Asalaamu Calaykum

Waxay ahayd qiyaastiii aakhirkii bishii November 2016, goor subax ah oo ay saacadu ku dhow dahay sagaalkii subaxnimo ayuu albaabkii xafiiska noogu soo galay Xuseen Afweyne oo aad u werwersan, wejigiisa waxaa ka muuqday murugo iyo naxdin, Xuseen waxa uu ahaa madaxa gaadiidka ee Wasaarada Qorshaynta Qaranka, waxa uu nagu yidhi gaadhi yar oo Bus ah oo shaqaalaha qaadi jiray ayaa gurigiisii laga hor xaday, aqalkiisa hortiisa ayuu habeenkii gaadhiga hor dhigay, subaxdii markuu toosayna waxa uu arkay gaadhigii oo aan oolin, orod ayuu isa soo daayay markaas ayuu Wasaaradii yimi.

Werwer ayaa nagu bilowday, gaadhiga Taarikada ku xidhnaydna waxay ahayd Lumberka Cagaaran ee Dawlada (GT), taasi oo iyana werwer labaad nagu sii abuurtay.

Xarunta Ciidanka Baadhista Dembiyada ee CID da oo aan wax badan ka fogayn Wasaarada Qorshaynta oo dhinaca Waqooyi kaga beegnayd ayaanu markiiba ku war gelinay gaadhiga Dawlada ee la xaday, waxaanay u hawl galeen baadi goobka gaadhiga.

Goor ay saacadu ku dhow dahay xiligii rawaxaada ee Salaada Duhur ka dib ayuu Wasaarada noogu yimi nin da’ dhexe ah oo ku lebisan Khamiis duug ah oo cawlan, wuxuuna u qaab eekaa qof Tuugsanaya.

Si yar oo hoose intuu Jeebka Khamiiskii uu xidhnaa uu ugala soo baxay Raadhyowga ay ciidamadu ku wada hadlaan (walkie talkie radio) ayuu nagu yidhi waxaan ahay Askari ka tirsan Ciidanka Ammaanka Somaliland, waxaana uu noo sheegay in gaadhigii la xaday ay ogaadeen halka uu yaallo, sidoo kalana ay heleen cidii xaday, waxaanuu noo sheegay in aanu raacino Darawal Wasaarada ka tirsan si uu gaadhiga usoo kaxeeyo.

Run ahaan arrin aad u yaab leh ayay nagu noqotay in dhawr saacadood gudahood ay Ciidamada Amaanka Somaliland ka soo dhex helaan Hargeysa-weyn gaadhigii la xaday, waxa kale oo maskaxdayada ka degi weyday qaabka uu u eekaa Sarkaalkaas laamaha Amniga ka tirsanaa ee aan loo malaynayn inuu ciidan ahaa, laakiin hab shaqadiisa la xidhiidha darteed uu sidaas ugu lebistay. Abaal-marin yar oo dhaqaale ayaanu siinay, inkasta oo uu si dirqi ah nagaga yeelay inuu naga qaato.

Hubaal waxaa ah in Ciidamada Sirdoonka ee Somaliland ay yihiin Geesiyaal habeen iyo maalinba u taagan ilaalinta Ammaanka Dalka iyo ka hor taga Dembiyada kala duwan, iyaga oo aanay garbaha u saarnayn darajooyin iyo dirays ciidan oo ay ku faanaan, balse ay iyaga oo aan muuqan oo aan dadka shacbiga ah laga garan karin ay dariiq kasta iyo daw kasta ay ka hawl galaan. Waa Geesiyaal sugay Ammaanka Dalkooda iyo Dadkooda iyo guud ahaan Nabadgelyada Mandiqada Geeska Afrika, waxaana waajib ku ah Xukuumad iyo Shacbiba in la daryeelo.

Guud ahaan Laamaha kala duwan ee Ciidamada Jamhuuriyada Somaliland waaTusaale muuqda oo suurto galiyay Nabada iyo Horumarka ay Somaliland ku talaabsatay Sodonkii Sanadood ee la soo dhaafay.

Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed
Bristol. UK

Advertisement

Ku Xayeysiiso