Booliskeenu waa Geesiyaal u taagan Ilaalinta Amaanka Dalkeena, Askarigii Shacbiga ku gefaana wuxuu ku gefay sumcada Booliska, waana waajib in ciqaab adag la mariyo.

Booliskeenu waa Geesiyaal u taagan Ilaalinta Amaanka Dalkeena, Askarigii Shacbiga ku gefaana wuxuu ku gefay sumcada Booliska, waana waajib in ciqaab adag la mariyo.

Arrimaha gudaha iyo sarkaal aafo cid u geysta
Ina hebel ninkii u garanayaa aayar buu heliye
Isma weydadaysaanu nahay oodda wada taalle
Arlo kala fog kuma noolin iyo Eeshiyoo kale
Haddii uu Abgaal igu khaldamo ama Ibrahiimba
Abasguul inaan raadsadaa waa aqoon xumo
(Abwaan Deyrwaa).

Asalaamu Calaykum

Waxa dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay ay  warbaahinta kala duwani ay baahinaysay qaylo-dhaan iyo tacadiyo laga soo sheegayo in Askar joogta Rugta Booliska ee Qudhac-dheer ay kula kaceen dad shacab ah ay ugu danbaysay Wariye Hoodo Garays iyo Hooyadeed sida ay Warbaahinta u sheegeen.

Hadaba marka koowaad waxaan soo jeedinayaa in baadhis buuxda oo gun iyo baar ah lagu sameeyo dhacdadaas foosha xun, talaabo aad u adagna laga qaado ciddii ay ku cadaato in ay fal-dambiyeedka dhacay ay ku kaceen.

Sidoo kale waxaan usoo jeedinayaa Dadweynaha reer Somaliland in ay ogaadaan in hal Askari iyo Toban Askari oo sharci jebin ku kacay aan marnaba loo nisbayn karin loona eedayn karin  Ciidamadeena Booliska ah ee habeen iyo maalinba Qorraxda iyo Qabowga u taagan si aynu ugu noolaano Nabadgelyo.

Waxaa waajib ah in ay Dadweynuhu ogaadaan in Booliskeena iyo Ciidamada kala duwan ee Dalkeenu  ay yihiin Jirridaha uu Qarankeenu ku taagan yahay ee inoo suurto geliyay Amniga iyo Dawladnimada aynu haysano, iyaga oo duruufo adag ku jirana ay goor iyo ayaan heeggan u yihiin ilaalinta Nabada iyo Horumarka Dalkeena.

Haddii aan hoos ugu soo dego arrinta  Saldhiga Booliska xaafada Qudhac-dheer ee imika ay cabashadu ay ka soo yeedhayso, waxa Taliye ka ahaa, ilaa imikana aan filyaa inuu weli xukumo saldhigaas Dhamme Maxamed Yuusuf Cabdi Oday oo loo yaqaan Lugay/Cadnaan oo ah sarkaalka hoose ka muuqda ee aan shahaadada guddoonsiinayo, waxaan u aqaanaa inuu yahay Taliye hawl-kar ah, oo la jecel yahay oo xaafadiisii jooga.

Taliyaha saldhigaasi waxa uu ahaa hawlkar ay xaafadu aad u jeclayd oo had iyo goor dedaal dheeraad ah muujin jiray, waana sababta ay dhalinyarada xaafadu ay ugu maamuuseen shahaadada aan gudoonsiinayay, waxa kale oo aan jecalahay in aan xuso in Taliye Maxamed Yusuf uu yahay nin xaafada u dhashay oo aabihii uu ahaa Geesigii Muj Yuusuf Cabdi Oday oo ahaa Kornayl ka tirsanaa ciidanka Boliska iyo Hormuudkii SNM Allah ha u naxariistee.

Waxaa markaas waajib ah in Dadweynaha xaafada deggeni ay ogaadaan in Booliska saldhigaas joogaa ay yihiin Booliskoodii iyo Madaxdoodii oo xaafadoodii ay u dhasheen ka shaqaynaya, balse aanay ahayn dad cir ka soo dhac ah, sidaas daraadeed ay ka fogaadaan wixii fidno iyo shar wada ee kala fogaynaya Booliska iyo Shacbigooda ay u adeegayaan.

Waxaan kalsooni buuxda ku qabaa in baadhis buuxda lagu samayn doono arrintan dhacday, isla markaas talaabo adag laga qaadi doono ciddii ay ku cadaato inay dhibta u geysteen Wariye Hoodo Garay iyo Hooyadeed, waxaanan usoo jeedinayaa in  laga war sugo madaxda sare ee Boliska oo arrinkan gacanta ku haya.

Ugu danbayn haddii aad la kulanto Askari Boolis ah oo qof shicib ah ku gefaya, taas macnaheedu maaha in Booliska oo dhami uu xun yahay, waxaa loo baahan yahay in Askariga khalad ku kaca loo gudbiyo Madaxdiisa sare  lagana fogaado warbaahintan lagu ordayo.

Mahadsanidin

Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed
Bristol. UK

Advertisement

Ku Xayeysiiso