Ra’iisul Wasaare Rooble oo dhagax dhigay Ballaarinta Isbitaalka Yardimeli

Muqdisho, Febraayo 09, 2021;Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhagax dhigay qeybtii labaad ee dhismaha lagu ballaarinayo Isbitaalka Yardimeli ee magaalada Muqdisho.

Dhismaha cusub ee lagu soo kordhinayo Isbitaalka ayaa labo jibaar ka weyn kii hore, waxuna ku yimid baahida loo qabo in bulshada Soomaaliyeed ay helaan xarumo caafimaad oo tayo leh, isla markaana laga heli karo adeegyadii loo doonan jiray dalka dibeddiisa.

Eng. Rooble oo uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Turkiga taageerada iyo garab istaaggooda shacabka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siineyso bixinta adeegyada taabanaya nolosha shacabka Soomaaliyeed sida Caafimaadka, Waxbarashada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan goobjoob u noqdo ballaarinta isbitaalkan iyo in lagu soo kordhiyo adeegyo cusub oo caafimaad oo ay ka faa’iideysan doonaan muwaadiniinta Soomaaliyeed”.Ayuu yiri R/Wasaaraha oo intaas ku daray in ay soo dhaweynayaan cid walba oo maalgashanaysa dalka.

Munaasabadda dhagax dhigga waxaa kale oo ka soo qeybgaley Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Duqa Muqdisho iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee DF Soomaaliya.

Advertisement

Ku Xayeysiiso