Dhibaatada oo indhaha laga qabsada, xal ma keento!.

Qabiilku wuxuu u baahan yahay caqli.

Dhibaatada oo indhaha laga qabsada, xal ma keento!.

Always there is a role you can take.

Sheekada hoose akhri!!.

+++++++++++++++++++++

 

Hordhac:

Sual: dadka iyo dalku wuxuu ubaahan yahay in lasoo xullo,dad aqoon,garasho iyo tudhaale leh, Adigu xafadiina, kii idinku fiicnaa masoo xushay? Mise waad ka dhumatay, oo waxaad rabtaa, inta danta guud iska hagaagto!!.

 

Hadii wixii sax ka gaabiso, Xiliga ay wax saxmayaan wuu soo raagi doona!!.

++++++++++++++++++++++++

Noloshu waa maraaxil, maalin kasta waxaa banaan, kaalin kula gudboon oo aad buuxin karto, masuuliyada waxaa lagu sheega sida sallaanka oo kale,waxaa loo bahaan yahay, inaad jaranjaraadaa halka hoose ka bilowdo, xal maaha in siyaasada maraykanka iyo arimaha dhaqaalaha ee shiinaha aad faalayso, ayada tusaale ahaan gurigaagii lagaaga baahan yahay, ilmaahigana iskuulka cid kasoo qaado uu rabo, ama bulshadaadii kuu baahan tahay, maasuliyada dhabta ahi halka hoose ayey ka bilaabannta, dhibaatada ka fog, kahadalkeedu wuu fudud yahay, sababtoo ah waa khiyaaali.

 

 

Aaan kusoo dhawaado sababta qoraalkan, qabiilku Somaalida noloshooda ayuu qayb ka yahay, xiliyaa doorashada wax ayey ku doortaaan, oo wuxuu ugu jiraa, waxaa afka qallaad lagu yidhaa” Consitutuency”, oo ah dad wada doorta cid matasha, tusaale ahaan golaha deegaanka iyo dowlada dhaxaba{ Golaha baarlaamaanka} dadkaasi waxay wadaagaan duruufo guud sida, duruuffaha iskuulada, fursasadaha shaqadaha, adeegyada dowlada ee kala duwan IWM.

 

Hadaba marwalba  waxaa larabaa masuuliyad, runsheeg nimo, iyo adiga oo kaalintaada qaata, hadada ku noooshahay Bristol, Hargeisa ama Mugdishaba, hadaba suuro gal miyey tahay, hadii dadkii aqoonta lahaa, yidhaahdaan, doorashada galimayno, halka wax lagu xullanayaba tagi mayno, oo qabiilka ayaannan sidiisaba jeclayn.

 

Qabyaaladu maaha hogaamin dal lagu wadi karro, hayeeshee, dadka aad isku haybta tihiin, halka ay wax ku xullanayaan inaad joogto, oo aad ka tallo bixisaa waa muhiim, si loo doorto kiina ugu sharafta iyo aqoonta badan, hadii aad dhumato, yaa umada saxaya, sowmaaha qof xilkiisii ka dhuuntay! Adiga oo 30 jir, 40 jir, 50 jir ah ama kasii wayn, hadii aad kaalintaadii ka dhumato, yaa wax saxaya, isabadalka aad ubaahan tahay adigu noqo, oo imika bilow.

 

Marka hogaamin dal laga hadlayo, waxaa loo baahan yahay, dad waqitgooda hura, xafadooda soo saxa, oo tuugta horyaacaysa joojiya, hadii aad taaas ka dhummato, sidee danta guud isugusoo cumaamadaysa, adoo halkii hore kasoo dhuuntay!.

 

Sheeko: balsheekadan ila akhri.

 

Ilaahay ayaa quraankiisa in badan ku amaanay dadka caqliga badan, kuna tilmaamay, sida albaabada oo kale{ yaa uulil albaab, allaa tubsiruun, allaa tacqilluun}, ilaajhay marka dadka lahadlo, wuxuu si gooniya u tilmaamaya, dadka saaxibul aqliga ah, ee fahanka u saxiibka ah.

 

Markii suuratul {Massad} oo abuu lahab iyo xaaskiisa ka hadlaysa soo degtay, ayaa xaaskii abuu lahab oo cadhaysani, utimi Abuubakar sidiiq {Abdullahi binu Qaxaafa} oo meel geed hoos fadhiya, waxay ku tidhi, mee saxiibkaa?!.

 

Cadhada ka muuqatay, waxaad moodaysay in dhiigeedu karayo, waxay gacanta kusidataaa dhagax, waxay hadalkeedii raacisay : Ma manta ayuu gabaygiisii igu soo daray, dhagaxaas Ayaan madaxa kaga dhiijinaya?.

Ayaadaha ay tiraabayso waa ayaadaha u dambeeya suuratul Massad “ Wa imm’ ra’tuhul xamaalatal hadab, fii jiidihaa hablul min massad”

 

Raasuulku wuxuu ahaa mid garabka ku haya, saxiibkii Abuubakar, ilaa iyo la yidhi, garbahoodu waxay ahaayeen qaar istaabta,sheekada gabadhana indhihiisa ku arkayey, dhagihiisana wuu ku maqlayey, Abuubakar ayaa rasuulka ku yidhi, rasuul allow miyaanay ku arkahayn?!.

 

Raasuulka wuxuu yidhi, aragtida tan indhaha uun maaha, qalbiga ayaa wax laga arkaa.

{Basiiratul cayn vs basiiratul qalbi}.

 

Dadka aqoonta iyo garashada leh waxaa u muuqan karra,waxaan indhuhu arkaan waxaan ahayn,lakiin waxaa loo baahan yahay, xilkasnimo, samofall, iyo nolosha bulshada oo ay kaalin ka qaataan. Hadaba xilliga doorashooyinka, akhristow waxaa ku saarran, inaad reerkiina ka sharafta leh soo xushaan, qaranka marka ay timaadana, qof ku haboon aad xushaan, kaas ayaa qof walba wax u ah, dadkana horumar ku hagi kara, hadaba xilkaag ma qaadanaysaa?!.

 

Hadii wixii sax ka gaabiso, Xiliga ay wax saxmayaan wuu soo raagi doona!!.

Qore:Mohamed A Sayaqle

Bristol,UK.

Advertisement

Ku Xayeysiiso