Idaajaa Waxay Silsiladu ka go’day Abwaanadda ka soo jeeda Kililka Shanaad iyo Gobolka Sool

Idaajaa Waxay Silsiladu ka go’day Abwaanadda ka soo jeeda Kililka Shanaad iyo Gobolka Sool

Axmed Faarax Cali (Idaajaa) waa cod kar leh hibo tabineed iyo mid qurxineed ba oo aad is odhanayso marna ha ka fogaan halka uu barnaamij ka sii daynayo, haddii ay noqoto Radio Muqdisho ama Hargaysa xilligii bur-burka ka hor ama idaacadda VOA-da iyo baraha kale ee internetka xilligan casriga ah. Runtii waa aftahan kugu qasbaya inaad amaahiso dhagahaaga oo aanad meel kale u jeedsan inta uu wado barnaamijka khaasatan waxaan u jeeda barnaamijkii uu caanka ku ahaa  ama imika ku yahayba ee Hiddaha iyo Dhaqanka.

 

Haddii uu Axmed kaa yahay dhanka kalena waxa uu leeyahay ceeb ku qotanta in uu aaminsan yahay  in qaybo ardaayadda soomaalida ka mid ahi uun leedahay taariikh halgameed iyo mid gabyaanimo, halka reeraha kalena ka madhan yihiiin tariikhda hal abuurka iyo ta halganka ba. Waxa u uku riixayaa  in aad is waydiiso maxaa ka suuliyay oday Idaaja dhexdhexaadnimadii bacdamaa uu yahay tabiye cid walibaa dhagaysanayso barnaamijyadiisa oo aanay ahayn kuwo isaguba ugu talo galay quruun gaar ah oo uu cayimay in ay kaligood ku raaxaystaan taariikhdda iyo dhacdooyinka uu ka waramayo?

Waxaad arkaysaa in uu si u lakac ah ugu celcelinayo sheekooyinkii Mataan Ciideed, taariikhdii Wiil-waal , gabyaagii Cali dhuux ,Samatar Baxnaan ,Aadan Carab iyo Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo uu rumaysan yahay in uu Sayid ku ahaa halka uu gabaygu kasoo bilaambo kuna dhamaado. isagoo halaloobinaya dhacdooyinka kale ee sayidku ku falay dadkii soomaaliyeed xiliigii uu ku jiray halgankii isagu waa sayidkiiye uu  isku saxay in uu ahaa waajib diineed iyo mid qowmiyadeedba kuna dhibaateeyay gobolka uu maganta uu ahaa ee Sool oo dabcan hooyadiina ka soo jeeday. Kaasi oo inta uu yeelay dadkii reer Sool aanu Ingiriis yeelin.  Haddii aanu ku dhex gaban Sayidka ugu waramay dadka reer Sool iyo Barriga Somaliland in uu yahay Mufti iyo Mahdi la soo diray, in kastoo aanay ka wada aqbalin dadka reer Sool. Cali Dhuux iyo Aadan Carab iyo qaybo ka mid ah Jilibaddii ay ka soo jeedeen ayaa ka mid ahaa dadka diiday daraawiishta iyo afkaarteediiba, kana soo horjeedsaday oo aan la dhicin wixii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan u sheegay.

Kuwo kale oo ka soo horjeestay Sayd Maxamed ayaa jiray waxaana ka mid ahaa: Aw Gaas Jaamac Samatar Xildiid oo ahaa ninkii siiyay boqortooyaddii UK  ee ay Somaliland Maxmiyadda u ahayd diginintii u horaysay ee ka dhan ka ahayd  Sayidka, Isaga oo ku sugnaa kolkaa Berbera arkayna Faqfaqdii Ina Cabdille Xasan. Aw-gaas oo ka soo jeeday degmada Ber-Bera iyo Hargaysa ayay ka dhago adagatay arrinkii iyo digniintii u soo jeediyay dawlada ingiriisku. Aakhirkii markii ay dhabowday wixii uu ka digayay ayaa ay boqortooyadii UK u qortay Aw-Gaas  gunno uu qaadanayay ilaa intii uu ka dhimanayay, taasi oo uu ku mutaystay dhawaaqii digniinta ahaa ee uu bixiyay ee dhag jalaq loo siin waayay, isagoo gunadaa cudoon Berbera kaga dhistay in ka badan 40 guri intii uu noolaa Alle ha u naxariisto e’.

Haddaba aan ku soo noqdo mawduuca maqaalka iyo dulucda  aan ka lahaaye waxaad mooda in Axmed Faarax Cali (Idaajaa) uu u maleeyay uun halganka soomaalidu ka bilaabmo Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo wiilwaal, gabyaaga soomaaliduna yihiin  uun  intaa aan kor ku xusay ee ka soo jeedda asal ahaan Gobolka Sool iyo Killilka Shanaad ee Ethiopia ka tirsan iyo dabcan sheekaddii  Mataaan Ciideed oo lahaa sheeko isla wayni dhaamisay oo iyana ka dhacday dhulka hadda  loo yiqaano Kililka Shaanaad  ama Maamulka Dawlad Deegaanka Soomaalidda ee  Ethiopia.

Gobolka Sool iyo guud ahaan barriga Somalailand burbur laxaad leh ayuu u gaystay halgankaa aan aflaxin ee lagu hoobtay ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan horeedka ka ahaa, inkasta oo uu gumaystiihii Ingriis ee ay Somaliland maxmiyadda u ahayd uu daganaa meelo aad uga fog Laascaanood ama gobolka Sool sida Berbera iyo Hargaysa. Halkaas oo uu sayidkuku guuldaraystay in uu wax guul ah ka keeno ee aakhirkii isagii waa Sayidkiiye ayaa ku hoyday 1920 ama 1921kii.  Sayidku halkaa dhibaato iyo fadqalalo  ayuun buu la joogay intii uu ku jiray halgankaa hagardaamada ku ahaa deegaanada Sool.

Haddaba Axmed Faraax Cali Idaajaayoow suugaanta iyo halganka ummadda Somaliland ama ta soomaaliyeed ba waa ay ka ballaadhan tahay intan ay adiga silsiladu kaaga go’day ee aan dhaafsiisnayn gobolka Sool iyo Kililka shanaad sida: Qamaan Bulxan , Ragge Ugaas , Saahid Qamaan. In badan oo kale oo gabyaa ah ayaa jirta oo aan ahayn oo kaliya intaa aad kunka jeer ku celcelisay oo laga xusi karo sida: gabyaaggii  Cali Xuseen, Tima Cadde, Cali Jaamac Haabiil, Cumar (Australia), Faarax Nuur Wacays, Halgamaa Faarax Oomaar, Sheekh Bashiir iyo in kale oo badan ayaa ay leedahay Ummadda Somaliland ama ta soomaliyeedba ee hana noqon mid aragti gaaban oo ay silsiladdu kaga go’day uun Sool iyo dhulka is maaamulka Ethiopia. Haddii kale waxaa sida cadceedda u muuqan doonta inaad tahay mid dhan u janjeedha oo aan wax badan laga rumaysan  waxa uu tabinayo ama ha loo arko nin jeclaysi ama qabiil jacaylkii soomaalida lagu saliday ee dhiigooda raacay, loogana maaro waayay goob kasta iyo goor kasta oo ay joogaanna ay ku tasbiixsadaan sida wardigga.

 

Qore: Cabdi Jaamac

Cabdimuhumed60@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso