Dabinka Khiyaamo Ee Dawladda Djibouti Ka Wado

Dabinka Khiyaamo Ee Dawladda Djibouti Ka Wado, Gobolka Salal iyo Jubada hoose..Prof.Mohamed Ahmed Farah Mataan(Jaafaa)

pro jaafaa

Ka dib, Siyaasada, markii xukuumaddii Daahir Riyaale Kaahin ay magacowday Gobalka Salal, waxa isbedel xoog leh laga dareemay Dawladda Djibouti, isbedel jawigeeda, laga dareemayey, cariga Soomaaliyeed, ee ah Salal iyo Jubaland ama arimaha siyaasadeed ee ku gadaaman, siyaasadda SOOMAALIYA.
 
Siyaasada Djibouti ee ay daneynayso Dhulka Somaliland gaar ahaan gobolka Salal aadna  usoo dhoweysay magacaabista gabolkaa Salal..waxaa markhaati ka ah, Jubadda hoose soo dhooweynteeda iyo Kenya.
Waxay aheyd markii 2014, Dawladda Djibouti ku dhawaaqday in ay Wasiirka Debu dejinta Somaliland ay heshiis la saxeexdeen in Qaxootiga Cali Cadeeye loo soo rari doono Saylac iyo Lughaya, maantana biyo gelin xuduuda laga wado, waxaa dhici kara in ololaha siyaasadeed ee Djibouti wado uu dagaal aag kale furmo, dibna inoogu soo celiya dagaalo hor lehoo aan la mahadin.
Shacabka reer Somaliland oo aan asal ahaanba ahayn dad dhib iyo dagaal jecleyn, isla markaana aan dareensaneyn gacmaha shisheeye oo dhulkooda qasaya, isla markaana, dareemayaan mid ay awoodoodii midnimo wiiqantay ayna sabab u tahay goboladdaa badan ee Daahir Riyaale magacaabay.
 
 Waxana muhiim ah in xukuumadda iyo shacabka reer Somaliland ah iyo Somaliya meel ay joogaanba,  laga feejignaadaa hagar daamada iyo siyaasadaha guracan ee lala damacsan yahay dalalkooda, waxanse aad u baraarujinayaa shacabweynaha Somaliland iney is fahmaan oo ka gudbaan xintanka iyo isu dhiiranaanta dhexdooda oo balse aaney dhayalsan arrimahan ka soo cusboonaaday gobolka  Jubadda hoose- iyo Djibouti.

.

PROF. MOHAMED AHMED FARAH  MATAAN (JAAFAA)

Advertisement

Ku Xayeysiiso