Munaasibad Xadhiga Lagaga Jarayey Xafiisyo Cusub oo ay Wasaaradda Maaliyaddu ku Yeelan Doonto Wasaaraddaha Cadaaladda iyo Hawlaha Guud iyo Waliba Laamaha Bangiga Dawladda


Hargeisa 14-Dec-2020 (WHM)- Wasiirka Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire oo ay weheliyaan Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Md. Muuse Ibraahim Yuusuf, Gudoomiyaha Bangiga Md. Cali Ibraahim Baqdaadi, Xisaabiyaha Guud ee Dawladda Md. Axmed Daauud Geedi, iyo Agaasimaha Bangiga Dhexe Md.Axmed Xasan Carwo ayaa si wada jir ah xadhiga uga jaray laba xafiis oo Xafiiska Xisaabaadka Guud ku yeelanayo gudaha laamaha 2-aad iyo 3-aad ee Bangiga Dawladda, xafiisyadan oo hubin ku samayn doona dakhliga ka hor intaan la xarayn, talaabadan ayaa meesha ka saaraysa culays iyo habsan ku iman jiray dakhli xaraynta Dawladda maadaama Xafiiska Hubinta Dakhliga Xisaabaadka iyo Bangigu meelo kala durugsan ku yaalaan.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL iyo Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraddaha Hawlaha Guud iyo Cadaaladda ayaa sidoo kale is la maanta si wada jira xadhiga uga jaray Xafiisyo cusub oo ay Wasaaradda H. Maaliyaddu ku yeelan doonto gudaha Wasaaraddaha Cadaaladda iyo Hawlaha Guud.

Advertisement

Ku Xayeysiiso