“Dawladdnimadu Waa Sidii Qof Oo Kale, Waxanan Aaminsanahay In Muuse Biixi Yahay…..”-Wasiirkii hore Ee Maaliyadda

Dawladdnimadu Waa Sidii Qof Oo Kale, Waxanan Aaminsanahay In Muuse Biixi Yahay Madaxweyne Waayo Arag Ah Oo Wax…….”

WAREYSI: Wasiirkii Hore Maaliyadda, Imikana Ah Xubin Ka Tirsan Guddida Tacliinta Sare, Mr. Yuusuf Cabdi Maxamed

Hargeysa (Togaherer) Wasiirkii hore ee wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland, Mud. Yuusuf Cabdi Maxamed, ayaa wareysi dheer oo uu bixiyey kaga hadlay dawladnimada iyo hoggaaminta. Yuusuf oo hadda ah xubin ka mid ah guddida tacliinta sare ee Somaliland, ayaa wareysi uu siiyey  telefiishenka Sahan, waxa uu kaga waramay waxyaabaha u qabsoomay xukuumadda madaxweyne Biixi 3 sanno oo ay joogtay, sidoo kale aragtida uu ka aamin san yahay hoggaaminta Muuse Biixi halka halka ay gaadhsiisan tahay, waxa uu si gaara u xusay muddadii uu ahaa wasiirka maaliyada, waxanu sheegay in mashaariicdii ugu badnaa la fuliyey markii uu xilkaasi wasiirnimo hayay.

“Saddexda sanno waxaan isleeyahay wax aad u badan baa qabsoomay, ayna ugu muhiimsan tahaya nabad dhalin iyo keened xasilooni. Xukuumaddani barnaamijkii iyo qaabkii dawlidnimada maalinba maalinta ka dambaysa dawladnimadu way dhismaysay, xiliba xili oo waa qori isku dhiib, markaa maanta waxaynu maranaa xiligii dawladnimada la dhisi lahaa, dawladdu waxay hirgelisay shuruuc badan iyo xeerar badan iyo qorsheyaal badan oo hay’addaha kala duwan ee dawladdu ay leedahay, waxay xoojisay barnaamijka maamul-wanaaga in la xoojiyo, in lala dagaalamo musuqmaasuqa. Muddadii aan wasiirka maaliyadda ahaa 2018, waa markii koowaad ee aan samayno miisaaniyad horumarineed oo ahayd 34.5% oon isleeyahay MSH-yadii ugu badnaa, iskuuladii ugu badnaa ayaanu dhisnay, sidoo kale waxaanu mushaharka u kordhinay waagaas ciidamada iyo macallimiinta oo ahaa labadii daryeelka u baahnaa, sidoo kale waxaanu xoog ugu hawlgalnay in aanu dejino qiimaha shillinka Somaliland iyo qiimaha sarifka doollarka oo lacagta Somaliland qiimo u yeelno, taasna waanu ku guulaysanay, wayna sii socotay oo maanta meel fiican bay maraysaa.


Muxuu ku sifeeyay hoggaaminta Muuse Biixi?

Yuusuf Cabdi Maxamed ayaa sharaxaad ka bixiyey hoggaaminta madaxweyne Muuse Miixi, maruu ka jawaabayay su’aal ahayd, hoggaaminta Muuse Biixi, waxaanu yidhi “Muddadaa aan ahaa wasiirka maaliyadda, waxaan ka bartay casharo badan, horta dawladnimadu waxay u baahan tahay dulqaad, waxay u baahan tahay samir, waxay u baahan tahay hawlkarnimo iyo daacadnimo, waxay u baahan tahay adkaysi, waliba hoggaamiyaha aad la shaqaynaysaa marka uu yahay hoggaamiye soo jeeda, waayo madaxweyna Somaliland (Muuse Biixi) waxaan isleeyahay wuxuu shaqeeyaa maalintii iyo habeenkii marka la isku daro 18 saacadood, adigoo da’ yar markaad aragto madaxweynihii oo kaa weyn oo sideed iyo tobban saacadood shaqeynaya waxa ku galaysa hididiilo iyo awood ah inaad jiif iyo joogba aad diido si aad shaqada u dhamayso. Madaxweynahan maanta (Muuse Biixi) waxaan ku sifeyn lahaa madaxweyne Jecel in dadka iyo dalku barwaaqo wada gaadhaan, in wadanku horumaro aqoonsina uu helo, in xuduudaha Somaliland la sugo oo la gaadho, in ummadu u sinaato dawlidnimada iyo caddaaladda, madaxweyne hal adag oo jecel sharcigu in uu hirgalo, madaxweyne jecel inay dawlidnimadu hanaqaado, dadka la shaqeynayana jecel qof waliba in hawshiisa u madaxbanaanaado, balse la xisaabtamo qofkasta maxaa kuu qabsoomay wixii kuu qorshaysnaa 5-ta sanno aad samaysay, isagoo (Madaxeyna) ay ka go’an tahay in dawladnimadu ay dhisanto, waayo dawladnimadu waxay ka dhisantaa in wasaarad waliba ay dhisanto. Isagoo (Madaxweynaha) jecel in marwalba arrimaha wadahadal lagu dhameeyo. Waxaan aaminsanaya inuu yahay madaxweyne waayo arag ah oo wax kusoo bartay waarso iyo nato, ciidanimo soo maray, sidoo kalena kasoo qaybqaatay halgankii dalka lagu xoreeyay, nabaddii iyo guurtidii samayntooda, miyo iyo magaalaba waayo arag u ah oo runtii anigu aan aaminsanahay, qof walba cidbaa siyaasadda macallin ugu ah, inuu yahay macallinkaygii siyaasadda.”

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso