La Taliyihii Amniga ee OBAMA Oo hogaamin doona siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka

La Taliyihii Amniga ee Madaxweynihii hore Ee USA Ooi hogaamin doona siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka

Waashitoon (togaherer)- Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa waxa uu Xoghayaha Arrimaha Dibadda u magacaabay Antony Blinken, xilkaas oo ah kan ugu muhiimsan siyaasadda arrimaha dibadda ee dalkaasi.
58-jirkan ayaa hore u soo noqday ku xigeenka Xoghayaha Arrimaha ee Mareykanka iyo ku xigeenka la taliyaha ammaanka qaranka ee maamulkii madaxweyne Barrack Obama, markaas oo Mr Biden uu ahaa madaxweyne ku xigeen.
Sidoo kale waxa uu hore u soo qabtay xilal sarsare oo arrimaha dibadda la xidhiidha oo uu ka soo kala qabtay Capitol Hill, Aqalka Cad iyo Wasaaradda Arrimaha Dibaddaba.
Waxaa la filayaa inuu maamulo ajandaha siyaasadda arrimaha dibadda ee Joe Biden taas oo markale diiradda lagu saari doono sidii wadashaqeyn dhow uu dalkaas ula yeelan lahaa xulafada reer Galbeedka.
Markii uu madaxweynaha la doortay ee Mareykanka uu shaaciyay in Mr Blinken uu hogaamin doono siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa Blinken waxa uu farriin soo dhigay bartiisa Twitterka.
Waxa uu u mahadceliyay saaxiibada iyo dadka ay shaqo wadaaagga yihiin ee farriimaha hambalyada ah u soo dirayay.

Advertisement

Ku Xayeysiiso