Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL. Mud: Cumar Cali Cabdilaahi oo xaaruun caafimaad ka dhagax dhigay deegaanka Kulmiye

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL. Mud: Cumar Cali Cabdilaahi iyo wafti uu hogaaminayo oo safar shaqo ku maraya gobalada iyo degmoyinka dalka ayaa xaaruun caafimaad ka dhagax dhigay deegaanka Kulmiye oo hore loogu garan ogaa Kalabaydh ee bariga degmada Baki. Safarkan oo Wasiirku kuwada mari doona dhamaan dalka ayaa ujeedadiisu tahay sidii gobalada dalka looga hirgalin lahaa mashaariic horumarineed oo laga fulin doono miisaaniyad sanadeedka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL

Waftigan Wasiirka Wasaaradda H. Cafimaadka JSL hogaaminayo ayaa waxa ku wehelinaya Agasimaha guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha & Kaluumaysiga, Agasimayaal waaxaha WHC iyo saraakiil ka tirsan W.H.Caafimaadka Somaliland.

Safarkan Wasiirka oo wada gaadhi doona gobalada dalka ayaa maalinta bari ah u gudbi doona gobalka maroodijeex. Iyadoo waftigu usii gudbi doono gobolada kale ee dalka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso