Ruushka iyo Faransiiska oo wada-xaajood ugu baaqay Azerbaijan iyo Armeina oo dagaal ka dhexeeyo

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo dhigiisa Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku baaqay xabad joojin deg deg ah sameeyaan dawladaha Armenia iyo Azerbaijan oo muddo ku dhaw todobaad ku dagaalamaya gobolka Nagorno-Karabakh ee ku yaal xuduudda labada wadan.

Dagaalkaas oo ciidamada labada wadan ay isku adeegsadeen hub culus ayaa waxaa ku geeriyooday in ka badan 100-qof, waxaana ay Azerbaijan sheegtay inay Armenia ka qabsatay ciidan, saanad dagaal iyo fariisimo ay ciidankeedu isticmaalayeen.

“Vladimir Putin iyo Emmanuel Macron waxay ugu baaqeen dhinacyada dagaalamaya inay joojiyaan xabada sida ugu dhaqsiyaha badan, in xiisadda la qaboojiyo oo la muujiyo xakameynta ugu sareysa,” aqalka Kremlin-ka ayaa ku yiri hadal uu soo saaray goor hore oo Khamiista maanta ah.

Xiriir ay taleefanka ku yeesheen labada hoggaamiye waxay ka wada hadleen inay muhiim tahay in la xoojiyo doorka ururka OSCE ee nabadgalyada iyo iskaashiga Yurub, ayna ka shaqeeyaan sidii colaadaasi loo joojin lahaa.

Hoggaamiyayaashu waxay muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin inay bayaanka ay soo saareen iyaga oo ku hadlaya magaca guddoomiyeyaasha kooxda Minsk oo la isku yiraahdo Ruushka, Faransiiska iyo Mareykanka, kuwaas oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka oo la bilaabo wadahadallada, ayuu intaas kudaray aqalka Kremlin-ka.

Labada dhinac ee Armenia iyo Azerbaijan ayaa waxaa dhexmaraya dagaalkii ugu cuslaa ee sanado ka dhaca gobolka Nagorno-Karabakh oo ka tirsan gobolka Armenia ee qowmiyadeed kaas oo ka go’ay Azerbaijan sanadii 1990-yadii markii Midowgii Soofiyeeti burburay.

Advertisement

Ku Xayeysiiso