Xoghayaha Difaaca Mareykanka oo socdaal ku marayo qaar ka mid ah dalalka Carabta ee Afrika ka tirsan

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Mark Esper ayaa maanta oo Arbaca ah billaabaya socdaal uu ku marayo waddamada kala ah Aljeeriya, Tuuniisiya iyo Marooko.

Inta lagu guda jiro booqashadiisa, Esper wuxuu madaxda dalalkaas kala hadli doona sidii loo xoojin lahaa iskaashiga kala dhaxeeya waddamadaas iyo la dagaalanka ururada argagixisada.

Esper wuxuu socdaalkiisa ka billaabi doonaa dalka Tuunis, isaga oo la kulmi doona madaxwaynaha dalkaas Qays Saciid.

Esper ayaa Tuunis kaddib u socdaali doona Aljeeriya wuxuuna la kulmi doona madaxda dalkaas gaar ahaan taliyaasha ciidamada.

Esper ayaa noqon doona xoghayihii difaaca Maraykanka ugu horeeyay ee booqda Aljeeriya muddo 15 sano ah.

Xoghayaha Mareykanka wuxuu booqashadiisa ku soo gabagebeyn doonaa maalinta Jimcaha ah dalka Marooko, isaga oo madaxda dalkaas kala hadli doona sidii ay u yeelan lahaayeen xiriir adag oo xagga amniga ah.

Advertisement

Ku Xayeysiiso