Gudoomiye Xinif Xerowgii u Xuubsiibtay Siyaasiga Rugcadaaga ah

Cabdi-Kariim Axmed Maxamed (Xinif) waa Guddoomiyaha Hayadda Barakacayaasha Somaliland iyadoo hadda loo sii magacaabay inuu noqdo Guddoomiyaha Xisbigga Kulmiye. Wakhtigan la joogo waxa uu ka tirsan yahay kaadiriinta safka hore ee Xisbiga Kulmiye oo waliba la odhan karo waa mid uu si wayn ugu kalsoon yahay Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi (Dameere).

Waa nin u dhago nugul oo amar kasta oo kaga yimaada madaxwayne Muuse
Cabdi (Dameere) u fulinaya si fudud. Haddii ay noqoto shaanbadaynta kuwa xisbiga dibadda laga dhigay ama laga dhigi doono, mikirifoon noqoshadda iyo u jawaabista kuwa dhaliila madaxwaynaha ama ha ku dhaliilaan siyaasaddaha habowga ah ee uu dalka hadba kula dul kufayo ama kuwa kale ee u badan kaalay murannee ee uu caanka ku yahay madaxweynaha kaligii taliska ah ee xisbiggii iyo dawladnimadiiba ka dhigay kuwo ay hadheeyeen muran kala duwan muddo saddex sanno ah.

Muranadda qaar ayaa ka dhashay in gudoomiyanimada lagu wareejiyo
Guddoomiyaha Xisbiga Sida Maxamuud Xaashi Cabdi (Muhanad). Iyada oo uu u laqimay Muuse Biixi in isagaba uu gudoomiyihii ka horeeyay ku wareejiyay mudo saddex bilood gudahood ah. Taas oo kale ayaa looga fadhiyay laakiin taasi ma dhicin oo Muuse ayaa cunaha gudoomiyanimadii iskaga duubay. Arintaana waa la saari la’ yahay cilinkeeda iyo cidda uu la rabbo. Waxaanse qabaa in uu qorshaynayo in uu ku wareejiyo Maxamed Kaahin Axmed (Nacamle) Term ka labaad badhtamahiisa haddii uu ku guulaysto doorashadda guud ee la filayo inay qabsoonto bisha May sanadka 2021 haddiiba ay dhacdo.

Aan u soo noqdo gudoomiye Xinif, maalin ayaa aniga iyo niman akhyaar ah oo ku sheekaysanayna geedaha hadhaca ah ee Hotel Guuleed magaalada Hargaysa ayaa waxaa halkaa ka soo baxay Land Cruiser cad oo qaaliya oo la iigu sheegay inuu qiimihiisu yahay lacag aan ka yarayn 70 kun oo dollar. Waxaana ka soo dagay nin balaadhan oo ay ka muuqato ladnaan badani waxa ay dadkii ila fadhiyay qaar ku boobeen salaan. Markii aan aad u dhugtayna waxaan ku soo soocay sawiro aan hore uga halacsaday warbaahinta Somaliland. Markii aan intaa isku geeyay ayaa haddana waxaa ku soo dhacay maskaxdayda sawir kale oo uu leeyahay oo laga soo helay kaydka Xasan Shugri kaasi oo aad uga fogaa kii aan maalintaa ku arkay isagoo nool, waxaanay ahayd kaaf iyo kala dheeri oo waa lagu murmi karayay waa isla Xinif qofkan hortayda taagani iyo maaha.

Layaabse badan sii noqon maysoo waa Afrika iyo caadadeed oo waxaad arkaysaa maalin ku taajir ama siyaasad ku taajir aan dhib badan u soo marin waxa uu haysto.
Haddii xisaab lala daba gali lahaana aan ku guulaysteen inuu noqdo ka ugu hooseeya ee xafiis shaqo u soo kalaha. Hase layaabin waa Afrika oo si silan ayaa siyaasi iyo maalqabeen lagu noqdaa sababtana cidi isma waydiiso oo waliba waxaa Somaliland u sii dheer in laguugu daro magacyo iyo sifooyin maamuus ah sida siyaasi ruug cadaa ah. Waa taas ta ay maanta maalayaan Xinif iyo qaar badan oo kale oo haddii si dhaba loo xisaabtamo aan soo dhaafeen aagagii ay ka yimaadeen markoodii hore intii aanay u xuubsiiban siyaadaasadda siloon ee Somaliland ee nacamlaynta iyo qabiil ku macaashka ah.

Cabdikariin (xinif) waxa uu joogi jiray caynabo iyo agagarkeeda waxaana u ahaan jiray xerow halkaasi quraanka u dhigi jiray caruurta agagaarkaas ku noolayd. Waxaana sidaas soo wariyay Boqor Cismaan Buur-Madow oo ka mida Boqoradda iyo Salaadiinta Xinif kaasi oo bulshadda u iftiimayay waxa uu ahaa Xinif, ka hor inta aanu salaanka siyaasadda ee Somaliland ku soo fuulin xisbiyahan qabiilaysan, nacamlayn iyo fakhfakh ilaa uu soo gaadhay guushaa uu mahadiyay maanta ee uu ku helay kursiga uu dhalada uga baxay iyo Land Cruiser qiimihiisu kor u dhaafay 70 ka kun ee dollar.

Halka dadka reer Somalilandna u bakhtiyayaan biyo la’aan, badidooduna ay cabaan biyo wasakhaysan oo aan ku habboonayn in qarniggii 21aad ay dad nooli cabaan, waase la baday oo Xinif, Muuse Biixi Cabdi (Dameere), Maxamed Kaahin Axmed (Nacamle), Siciid Sulub iyo kuwo la mida ayaa baday. Inta qoladaasi yihiin hormoodka walee waa halkii Dacawo ee reer aan ogay ma guuro.

Sawirka 1aad: Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif) kii shalay.


Sawirka 2aad: Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif) ka maanta.

Aan ku soo dabaalo Maqaalkan bal inay dadwaynaha reer Somaliland ee maqaalkan akhriyi doontaa ila dhugtaan Sawirka dhabta ah ee uu lahaa Xinif intii aanu ka soo baxsan dhowrkiisii xaas iyo tiradda carruurta ah iyo kuwii uu wax barayay ee uu macallin quraanka u ahaa. Ka hor intii aanu u xuubsiiban siyaasadda silloon ee Somaliland iyo sawirka dhabta ee uu bararay ee uu maanta la dhalac leeyay magaalaadda Hargaysa kuwaasi oo kala ah labo aad u kala fog. Gabagabadii Xinif waa xerowgii u xuub siibtay siyaasiga rug caddaaga ah.

Qore: Cabdi Muxumed

Cabdimuhumed60@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso