Wasaaradda Maaliyadda JSL Oo Tababbar U Qabatay Xubno Ka Mid Ah Ganacsatada Dalka.

Wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland ayaa tababbar u qabatay shan iyo labaatan xubnood oo ka mida ganacstada dalka, kuwaasi oo la bari doono aqooon la xidhiidha cashuur bixinta

Tababbarkaas oo daba socda tababbar hore ayaa lagu baran doonaa nidaamka cashuur bixinta iyo waajibaadka cashuur bixiyaha waxaana ka hadlay ku xigeenka waaxada cashuurha bariga Khadar Laas oo ka xogwaramay muhiimada tababbarka iyo faa’iidada uu u leeyahay ka qeyb galayaasha , waxaanu intaas ku daray in wasaaradda maaliyada iyo cashuur bixiyeyaashu ay wada shaqeeyaan, isla markaa ay hayboon tahay in ay isla fahmaan wada shaqaynta ka dhaxaysa , waxaanu sheegay in aqoonta ay ku baran doonaan tababbarkaas ay ogaan karaan iyaga oo meheradahooda jooga in ay garan karaan cashuurta lagu leeyahay.

Sidoo kale, Axmed Cabdi Cali, oo ka mida shaqaalaha wasaarada maaliyada oo ka hadlay halkaasi ayaa sheegay in tababbarkaasi uu socon doono ilaa sannadka dhamaadkiisa laguna baran doono nidaam casri ah oo labada dhinacba faa’iido u leh

Ugu danbeyntii waxa halkaasi hadalo la xidhiidha aqoon koradhsiga ka soo jeediyay agaasimaha cashuuraha bariga Cabdisalaan Maxamed Maxamuud oo ku booriyay ka qeyb galayaasha in ay ka faa’iideystaan duruusta ay qaadanayaan mudada tababbarku socdo

Advertisement

Ku Xayeysiiso