Ra’iisal wasaaraha Lubnaan oo iscasilay, muddo bil ka yar oo uu xilka hayey

Ra’iisul wasaaraha Lubnaan Mustapha Adib ayaa ku dhawaaqay in uu iscasilay ka dib markii uu ku guuldareystay in uu soo magacaabo liis gole wasiiro oo aan xisbi ka tirsaneyn, si dalka uu uga samatabixiyaan dhibaatada hadda uu wajahayo, arrinta la isku mari waayey ayaa ah cidda loo dhiibayo xilka wasaaradda Maaliyadda.

Khubad uu telefishinka ka sii daayay sabtida maanta ah ayuu Mr. Adib ku sheegay in uu iska casilay xilka ka dib markii uu kulan la qaatay madaxweynaha dalka Michel Cown.

Liiska golaha wasiirada ayaa waxaa hor istaagay labo xisbi oo Shiicadu leedahay oo dalkaas awood badan ku leh, kuwaas oo kala ah Xisbulah oo Iran taageerto iyo xisbiga Amal oo doonayey in shakhsiyaad ay soo magacaabeen in ay ku daraan golaha xukuumadda.

Mustafa Adib, ayaa horey u soo noqday danjiraha Lubnaan u fadhiya dalka Jarmalka, waxaana xilkan loo magacaabay 31 bishii August ee sanadkan, ka dib markii Xasan Diyaab oo ahaa ra’isul wasaarihii dalkaas isku casilay qaraxyadii dekada Beyruut ka dhacay oo ay ku dhinteen ku dhowaad 200 oo ruux.

Madaxweynaha France ayaa isku dayey in uu cadaadis saaro siyaasiyiinta dalka Lubnaan si ay u soo saaraan rag dalka ka saari kara dhibaatada hadda heysta, laakiin dedaaladaas ayaa hadda noqday kuwa aan miro dhalin.

Dadka siyaasadda dalkaas la socda ayaa sheegaya in ra’iisul wasaare Mustafa Adib doonayey in uu sameeyo gole wasiiro oo ay ku jiraan dad khibrad badan u leh dhanka maamulka hase yeeshee wuxuu ka gudbi waayey caqabado waa weyn.

Lubnaan ayaa ah dal u kala qeybsan, sadex garab, suniyiinta, Shiicada iyo Masiixiyiinta oo wadaaga siyaasadda dalkaas laga soo bilaabo markii la soo afmeerey dagaalkii sokeeye ee Lubnaan sanadkii 1990.

Advertisement

Ku Xayeysiiso