Trump oo diiday in Xilka uu u wareejiyo si fudud haddii looga adkaado doorashada

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa diiday in si nabad gelyo ah oo fudud uu ku wareejin doono xilka haddii doorashada November loogu adkaado.

“Hagaag, waan arki doonaa waxa dhacaya,” ayuu madaxweynaha shir jaraa’id ka sheegay.

Trump waxaa uu intaas ku daray in uu aaminsan yahay in natiijada doorashada ku dhammaan doonto maxkamadda sare ee dalka, isagoo xusay in uu shaki ka qabo codadka la soo marin doono boostada.

Gobolo badan oo Mareykanka ah ayaa dadweynaha ku boorinaya in codkooda ku dhiibtaan boostada maadaama ay jirto cabsida safmarka COVID-19.

Safmarka COVID-19 awgiis, waxaa la filayaa in ay bataan dadka codkooda sii marinaya boostada, laakiin cabsi ayaa jirto oo ah in codadka boostada la soo mariyo lumaan ama la waayo.

Ellen Weintraub, oo ka tirsan guddiga doorashooyinka federaalka waxay sheegtay in aysan sal la heyd aragtida ah in codadka boostada la musuq maasuqo.

Daraasad uu sameeyay Charles Stewart oo ah aqoonyahan bartay cilmiga siyaasadda kana tirsan machadka Technolojiyada magaalada Massachesetts, waxaa uu soo saaray doorashadii 2008 Mareykanka ka dhacday ku dhowaad 7.6 milyan oo cod la waayay taas oo u dhiganta in shantii cod ee boostada la soo mariyay mid kamid ah la waayay.

Advertisement

Ku Xayeysiiso