Taageerayaasha cayaaraha kubadda cagta Brazil oo garoomada dib ugu laabanaya

Dowladda Brazil ayaa sheegtay in albaabadda loo furi doono garoomadda kubadda cagta si ay ugu so noqdaan taageerayaasha cayaaraha kubadda cagta oo Fayraska Karoona awgii xayiraad loo saaray dhawr bilood ka hor.
Wajiga 1-aad taageerayaasha cayaaraha ayaa 30% loo fasixi doonaa inay tagaan garoomada, balse waa la kordhin doona tiradda ka soo qayb-galka cayaaraha Kubadda cagta.
Garoonka Rio de Janeiro ayaa loo ogolaan doona taageerayaal dhan 25,000 oo qof, iyadoo la dhaqangalinayo hab-raacyadda caafimaadka ee dowladda hoose si looga fogaado in la is qaadsiyo Fayraska karoona.
Brazil waa waddanka 2-aad ee adduunka ugu xun ee uu sida daran u saameeyey Xanuunka Covid-19, waxaana cudurka qaaday 4.5 milyan oo ruux, halka dhimashada ilaa iyo hadda la diwaan galiyey ay tahay 138,000 oo ruux, shalay oo ugu dambeysay waxaa laga helay waddanka 33,536 oo kiis oo cusub, sido kalana 836 oo dhimasho ah ayaa la xaqiijiyey.

Advertisement

Ku Xayeysiiso