Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Oo Ka Warbixiyey Halka Ay Marayaan U Diyaar garawga Ciyaaraha Gobollada Dalku.

Agaasimaha guud wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Cabdilaahi Siciid Khaawi, ayaa ka warbixiyay halka ay marayso qaban-qaabada tartanka ciyaaraha gobollada dalka, kaas oo dhawaan la qaban doono.

Maxamed Cabdilaahi Siciid Khaawi oo u waramaayay wakaaladda wararka Somaliland ee solna ayaa sheegay in ay soo dhammaadeen dhamaan diyaar garawgii qabsoomida ciyaarahaas, isla markaana dhammaan masuuliyiinta gobollada dalka ay diyaariyeen ciyaar tooyadii uga qayb gali lahaa tartankaas.

Agaasime Maxamed Khaawi wuxuu intaas ku daray in wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaruhu ay hadda ku hawlan tahay sidii ay u diyaarin lahayd garoonka kubadda cagta ee Hargeysa, oo ay ciyaarahaasi ka qabsoomi doonaan, iyadoo hawshii diyaarinta garoonkaasina marayso meel gabo-gabo ah.

Ugu dambayn agaasimaha guud wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Maxamed Cabdilaahi Siciid Khaawi, wuxuu guud ahaan shacabka Somaliland, gaar ahaan kuwa ku nool caasimada Hargeysa u soo jeediyay inay soo dhaweeyaan ciyaartoyda gobollada dalka ee ka qayb-gali doona tartankaas ciyaaraha gobollada ee dalka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso