Khasaare ka dhashay dhismo seddex dabaq ah oo ku burburay dalka Hindiya

Dhismo 3-dabaq ah oo ku yiillay duleedka Magaalada Mombaay ayaa horantii saaka burburay ,halkaasi oo ay ku dhinteen llaa 8-ruux,sida laga soo xigtay warar ka soo baxay gudaha dalkaasi ah.

Burburka dhismahaan ayaa yimid xilli ay dad badan oo deganaa halkaasi ay ahaayeen kuwo hurda,waxaana warku intaa ku daray in dad gaaraya 20-25-ruux ay ku xayiran yihiin dhismahaasi burburay.

Shaqaale kuwa gargaarka degdegga ah iyo koox badbaadiyaal ah ayaa gaaray dhismahaasi burburay oo ku yaalla Magaalada Bhiwandi oo 40-km u jira Magaalada Mombaay.

Bishii la soo dhaafay, ugu yaraan 13 qof ayaa dhimatay ka dib markii dhismo shan dabaq ah uu ku dumey Mahad, oo ah magaalo warshadeed165-km ka xigta Mumbai.

Advertisement

Ku Xayeysiiso