Safaarada Taiwan oo ku wareejisay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka agab iyo daawooyinka kahortaga iyo daawaynta xanuunka Coronavirus.

Wasiirka Wasaarada Horumarinta Caafimaadka JSL oo ay weheliyaan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda H. Caafimaadka JSL iyo masuuliyiin katirsan Wasaaradda H Caafimaadka ayaa ayaa kulan laba geesood ah la qaatay Safiirka iyo masuuliyiinta Safaaradda Dalka Taiwan ay ku Leedahay Dalka Somaliland.

Kulankan ayaa labada dhinaca ay iskaga waraysteen sidii la iskaga kaashan lahaa adeega caafimaad ee labada dal.

Sidoo kale, masuuliyiinta Safaaradda ayaa Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ku wareejiyay agab iyo daawooyinka kahortaga iyo daawaynta xanuunka Coronavirus.

Advertisement

Ku Xayeysiiso