Waxaanu si rasmiya maanta u furay xarunta kaydka xogta shaqaalaha Dawladda, taas oo dhamaan nuqulada faylasha xubin kasta oo shaqaalaha dawladadeed ah lagu kaydin doono

Waxaanu si rasmiya maanta u furay xarunta kaydka xogta shaqaalaha Dawladda, taas oo dhamaan nuqulada faylasha xubin kasta oo shaqaalaha dawladadeed ah lagu kaydin doono

. Sidoo kale waxa xogta shaqaalaha lagu kaydin doonaa serverka guud ee Hay’adda shaqaalaha Dawladda iyadoo xogta oo dhamaystirana lagu hayn doono nidaamka kaydka daruurta (Cloud Storage System). Nidaamkani waxa uu sahli doonaa helista xogta shaqaalaha, diyaarinta warbixinaha looga baahdo xogta shaqaaha ee la xidhiidha da’dooda, tirada jinsiga, aqoonta, xirfada iyo wixii kale ee muhiim u ah horumarinta tayada shaqaalaha. Dhinaca kalena nidaamkani waxa uu sahlayaa hirgelinta nidaamka hawl gabka oo ku talagalku yahay in la bilaabo sanadka 2021 iyadoo la qaatay nidaamka wadaaga xaquuqda hawl gabka( defined benefit contribution system) oo fursad siinaya in shaqaalaha gaadhay da’da hawl gabku in la nasiyo, iyadoo cimrigooda inta ka hadhay la siin doono mushaharka hawl gabkooda taas oo xukuumada JSL ay diyaarisay. Waxaanu u mahacelinaynaa agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha iyo Hay’addaha Dawladda, agaasimayaasha waaxda cudduda shaqaalaha, wasiirada iyo Bangiga Aduunka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso