Maamulka Sare ee Shirkadda Dahabshiil ayaa beeniyay hadal masuuliyiinta shirkadda World Remit siiyeen saxaafadda oo nuxurkiisu ahaa in ay heshiis la galeen shirkadda Dahabshiil

Shirkadda Dahabshiil Oo Beenisay War ay Baahisay Shirkadda WorldRemit

Maamulka Sare ee Shirkadda Dahabshiil ayaa beeniyay hadal masuuliyiinta shirkadda World Remit siiyeen saxaafadda oo nuxurkiisu ahaa in ay heshiis la galeen shirkadda Dahabshiil.
Fuaad Axmed Nuux maamulaha guud ee hawlgalinta Shirkadda Dahabshiil ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin arrintaasi “Warka shirkadda World Remit sheegtay ee ku saabsan in lacagaha ay ka soo dirayaan dibadda laga qaadan karo xarumaha Dahabshiil Soomaaliya , haddii aanu nahay shirkadda Dahabshiil waxa aanu halkan ku caddaynaynaa in aanu jirin haba yaraatee wax heshiis ah oo dhexmaray shirkaddayada iyo shirkadda World Remit, islamarkaana waxaanu ogaysiinayna macaamiisha Soomaaliyeed ee warbixintaa khaldani gaadhay in aanay jirin wax lacag ah oo xarumahayaga laga bixinayo ama shirkaddaasi ku soo reebayso.”
Waxa uu Md Fu’aad intaasi raaciyay “Waxa aanu la socodsiinayna macaamiishayada iyo umadda Soomaaliyeedba qofkii doonaya in uu lacag u soo diro dalkii hooyo inay ka soo diri karaan Xarumaha Dahabshiil Adduunka oo dhan ama meel kasta oo xarumaha Dahabshiil ka furan yihiin. Sidoo kale qofka doonaya in uu ka soo diro Online (Mobile Application) waxa uu isticmaali karaa adeegyada Talk Remit iyo DahabshiilUSA oo ah Dahabshiil Online platform, oo u suuro gelinaya qofku in uu lacagta ka soo diro telefoonkiisa isaga oo joogo gurigiisa ama goobtiisa ganacsi isaga oo aan u baahnayn in uu yimaaddo xarumaha Dahabshiil.
TalkRemit waxa isticmaali kara dhammaan macaamiisha joogta waddamada Yurub sida oo kale macaamiisha Maraykanka jooga waxay isticmaali karaan Application-ka DahabshiilUSA oo hadda ku diyaar ah Google Play iyo iOS kaas oo qofka u suuro gelinaya in uu lacagta ka soo diro gurigiisa ama isaga oo meesha uu doono jooga, qofkuna wuxuu lacagta ka qaadanaya xarumaha Dahabshiil ama qofku telefoonkiisa ayuu ku helaya lacagta iyada oo adeegga EDahab u suuro gelinayo dadka dalka jooga.”
Mudane Fu’aad Axmed Nuux waxa uu sheegay in shirkadda Dahabshiil leedahay qorsheyaal u gaar ah oo ay mar walba kula jaanqaadayso adeegyada ay u baahan yihiin macaamiisheeda, waxaanu si buuxda ugu wargeliyay bulshada Soomaalida iyo wakiilladeeda daafaha Dunida kala jooga in ay la socdaan in aanay waxba ka jirin heshiiska ay shirkadda World Remit sheegtay, islamarkaana Dahabshiil leedahay adeegyadeeda u gaarka ah oo suurto galinaya in meel kasta oo adduunka ka soo diri karto ama ka qaadan karto lacagaha laguugu soo diro Dahabshiil.

Advertisement

Ku Xayeysiiso