Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland oo Dhaariyey Guddida Ka-garnaqa Dacwadaha Cashuuraha

Hargeysa (THN)- Guddi ka kooban shan xubnood oo loo xilsaaray inay ka gar-naqaan arrimaha khuseeya dacwadaha la xidhiidha cashuuraha dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si rasmi ah shaqada u bilaabay toddobaadkan, kadib markii afar xubnood oo Guddidaas ka mid ah la dhaariyey maalintii Salaasada ee ay taariikhdu ahayd 23 June 2020.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ahna Guddoomiyaha Guddida Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa xubnaha Guddidan si     rasmi ah u dhaariyey, isagoo markii dambena u jeediyey hadallo dardaaran ah.

Qoraalka ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo faahfaahsan waxa uu u qornaa sidan;

“Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ahna Guddoomiyaha Guddida Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Prof. Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa dhaariyay afar xubnood oo ka mid ah Guddiga dacwadaha cashuuraha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddidan oo ka kooban shan xubnood ayaa la dhaariyay afar ka mid ah, 23/6/2020, halka xubinta shanaadna dib laga dhaarin doono. Xubnaha la dhaariyay ayaa kala ah:-

1: Yuusuf Biixi Muxumed

2: Cabdi-najiib Maxamuud Cali

3: Maxamed Jaamac Ibraahim

4: Jaamac Maxamed Odowaa.

Guddidan oo ah guddi idaari ah oo madaxbannaan, ayaa si rasmi ah uga garnaqi doona dacwadaha cashuuraha Somaliland, laga bilaabo 23/62020 oo la dhaariyay. Sida uu dhigayo xeerka dakhliga cashuuraha berriga Somaliland (Xeer Lr. 72/2016), oo jidaynaya shaqada guddidan.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha Maxkamadda S,are ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xubnaha la dhaariyay kula dar-daarmay in bulshada si hagar la’aan ah oo daah-furan, isla markaana caddaaladi ku dheehan tahay ugu shaqeeyaan.”

Guddidan loo xilsaaray arrimaha ka-garnaqa dawcadaha cashuuraha Somaliland, waxa hawlahooda shaqo iyo dhismahoodaba lagu faahfaahiyey xeerka dakhliga cashuuraha berriga Somaliland ee xeer Lr. 72/2016, iyadoo shanta xubnood ee Guddidani ay ku soo baxeen imtixaan laga qaaday dad badan oo soo xeraystay codsashada guddidaas, kadib markii ay Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ay bulshada u soo bandhigtay arrintaas, waxayna natiijada imtixaanka la qaaday soo baxday bishii January ee sannadkan 2020, waxaanna la shaqaalaysiiyey shanta qof ee ugu sareeyey natiijada imtixaankaas, kuwaasoo oo shaqadooda bilaabay toddobaadkan, kadib markii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland dhaariyey.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso