Wada-hadaladii waa ay furmeen. Madaxwaynuhuna waxa uu jeediyay khudbad fiican oo la mid ah kuwii shirarkii hore laga jeedin jiray Xoghayaha Guude Waddani khadar cabdi

Wada-hadaladii waa ay furmeen. Madaxwaynuhuna waxa uu jeediyay khudbad fiican oo la mid ah kuwii shirarkii hore laga jeedin jiray. Wada-xaajoodyada noocan oo kale ah waxa ay qaataan wakhti badan mar kastana qorshe qoto dheer ayaa ay u baahan yihiin. Waa aynu sugi wixii ka soo baxa, iima muuqato guul loo dabaal dego oo la soo hooyey, iimana muuqato sabab iyada oo Covid19 jiro oo xataa salaaddii Ciidda aan joojinnay in dadweynaha la xamaasad geliyo oo guul gacan ku rimis ah lagu soo saaro. Xukuumadda waajib ayaa ka saaran in ay xaq-dhawrto go’aannadii ay iyadu soo saartay ee ahaa in aan la isu soo bixin. Waa go’aanadaas kuwa maanta hooyooyin badani ku shaqo beeleen oo ku gaajoonayaan!

Advertisement

Ku Xayeysiiso