Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya waxay soo dhaweynayaan sida ay uga go’antahay labada hoggaamiye inay sii wadaan wadahadalka.

Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya waxay soo dhaweynayaan wada hadalka u dhexeeya Madaxweyne Maxamed C / llaahi Maxamed ‘Farmaajo’ iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo uu martigeliyey Madaxweyne Ismacil Cumar Geelleh ee Jabuuti, waxaana goobjoog ka ahaa ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali. Waxaan bogaadinaynaa taageerada gobolka, iyo howlgelinta keentay wadahadalada.

Waxaan soo dhaweynaynaa kulanka oo ah tallaabo muhiim u ah xoojinta isgaarsiinta iyo kobcinta isfahamka, waxaanan ku dhiirigelineynaa guddiga farsamada ee ay magacowday maamulayaashu inay gaarsiiyaan waxtarka la taaban karo ee dadkooda.

Waxaan soo dhawaynaynaa balan qaadka labada hogaamiye ee sii wadida wada hadalka

Kingdom, Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, China, Denmark, Ethiopia, Midowga Yurub, Finland, France, Jarmalka, Urur-goboleedka IGAD ee horumarinta, Ireland, Italy, Japan , Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, Turkey, Ugaandha, Mareykanka, Qaramada Midoobay

Advertisement

Ku Xayeysiiso