Miyaad Aastay Xasan Guurihii Aaya Taliskiina?

Geeriyahay sidii eebadii, oofta nagu jiiday
Eed ma lihide waxaad oofisaa, amar ilaahay e`
Naftu way ilmaysaa, markaad qaaddo oday wayne
Caawana ilays baa ka damay, aradkii aan niile
Miyaad aastay Xasan Guurihii, aaya taliskiina
Ayaan qudha lamuu aamusayn, erey samaaneede
Aar iyo xaq sheeg buu ahaa urursha waayeelle
Imaamkii runtiyo buu ahaa, waayo aragiiye
Abtirsiintu may oodi jirin, lagu asqoobaaye
Arxan iyo tudhaaluu lahaa abid aan liicayne
Eexaysi boobkuu necbaa iinta nagu taalle
Danta guud intuu oog u shiday tiisa ku iloowye
Manuu urursan sida aynigii xoolo umadeede
Imaan iyo yaqiin buu lahaa aad u qaro wayn
Inkastuu abaal noo galoo loona wada ooyay
Marhadaan ilmadu oolinayn ruux ajali qaadi
Alle hayow adoon buu ahaa, aanu ulanaaye
Ifka kale dhamaade ee raboow iilka ku ilaali
Adigaa abuurtaye raboow eegmo naxariis leh
Nabigii udgoona rabow jooji agihiisa
Anna igu banaan kaalintu igaga aadnaaye
allahayow cid naga awda oo edebsan noo soo dir

– Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame)

Weedhsame oo ka mid ah hal-abuurka Somaliland ee had iyo jeer lagu majeerto inuu u hiiliyo danta guud ee qaranka ayaa tiriyay maanso uu ugu baroor diiqayo Alle ha u naxariiste Xasan Guurre Jaamac oo maalmo uun ka hor u hayaamay gurgiisii runta ahaa ee Aakhiro kaasi oo aan cidna laga oolinayn qof jecel iyo mid ka giigaba.

Maansaddu ma dheera laakiin waxa ay kuu iftiiminysaa qofkii uu ahaa Xasan Guure Jaamac tan iyo halgankii lagu soo guryo celinayay gobanimaddii ka luntay Somaliland 1960 kii, illaa maanta oo uu god galay isagoo intaaba ahaa Danjire u heegan danta dalkan iyo dadkan Eebe ka uumay. Same-talis dhaba ayuu aha sida uu Maansada ku yidhi Weedhsame ‘ Miyaad aastay Xasan Guurrihii Aaya Taliskiina’ isagoo tilmaamaya geerida qaaday ayuu abwaanku ku sifeeyay Same-talis u heegannaa danta guud oo uu ku ilaabay tiisii gaarka ahayd, markastana aayaha ummada ka talinaya oo Aaya-talis ah. Waa laba sifo oo ay adagtahay inay qof kuwada kulmaan. Waana sifooyinkii dhabta ahaa ee uu ku sifaysnaa Xasan Guure Jaamac, Eebe Naxariistiisa ha ugu deeqe. Weedhsame na ma aha markii ugu horaysay ee uu tiriyo maanso uu ugu baroordiiqayo qof ku waynaa qarankeena sida Xasan Guurre Jaamac Alle haka abaal mariyee .

Sidii uu gabyaagii caanka ahaa Cali Jaamac Haabiilba u lahaa
“Geeridii Xirsay sheegayaan, Gacal ha waayeene
Lix hal oo u wada gaara, Gocanayaa mooyi”
Isagoo ka samri waayay Xirs oo uu ku majeertay Geesinimo, Deeqsinimo iyo inta qof banii-aadam ah looga dab qaato inta ugu badan. Cali Jaamac Habiil waxa uu ku soo gunaandaday gabaygaas tuducyada odhanaya; “ Abidkiiba rag waa gu’ jiray tani se waa gow e’ ” sidaas si la mid ah geerida xasan guurre waa gow oo la mid maaha ta wax matare laga yaabo inuu wakhtigu u hiiliyay oo uu darajo aanu gayin ku taxay oo ah gardiid aan sinaba u gar qaadan xataa hadii ay isa soo taagto qaranka aynu wada hadhsanayno ee Somaliland.

Waligay lama kulmin Xasan, wax aqoon shakhsi ah umaan lahayn inta aan ka daawaday ama aan ka akhriyay noloshiisa waxaa aan ka bartay inuu ahaa qof wanaagsan oo ku talinaya runta xataa haddii ay mur ka qadhaadhahay. Mar walbana waxa uu ku soo ururin jiray hadalkiisa waano iyo talo toosan oo qof kastaa majeerto. Qaar badanise dhagaha ayay ka furaysteen oo dhag jalaq u maysiin. Waxase u markhaati ah taarikhda iyo waxa Allaale wixii maqal iyo muuqaal ahaa ee laga reebay Gadac, geesi Xasan Guure Jaamac oo ay geeridiisu aad ii taabatay. Waxa aan filayay in aan mar uun la kulmi doono si aan u la wadaago sheekooyin badan iyo sida aan uga midka ahaa dadka aanay waligii is arag ee muuqbaahiyaha ka bartay shaqsiyadiisii naf hurka lahayd ee Xasan Guure oo aan jeclaysatay bal in aan maqaalkan kooban ee aan hal ku dheg uga dhigay Tuduc ka mid ah maansada Weedhsame ee tidhi Miyaad Aastay Xasan Guurihi aaya talsikiina, waa geerida ta uu tilmaamaya ee u farta ku fiiqayaa taasi oo aan oolin doonin axad ka mida aadamaha illaa iyo Eebe uu ka soo noqdo baaqi marka aadamaha dhamaamntii u hayaamo guryahooda dhabta ah ee Aakhiro waa taas uun ta uu Maray Xasan iyo intii ka horaysayba.

Waxaan jecelahay inaan Maqaalka ku soo af-meero in aan Eebbe u waydiiyo Xasan Guurre Jaamac inuu Janatal Fardows geeyo oo uu ugu naxariisto Samo Talisnimaddii iyo Aayo Talintii uu Ummaddiisa la daba joogay inta badan noloshiisa ee uu ku iloobay tiisa iyo ta qoyskiisa oo aan ahayn wax la wada heli karo qof sidaas ah. waliba casrigan maanta ah iyo waliba Somaliland oo uu u dhashay oo aad is odhanayso waa Sabbankii Danaystanimadda Eebbese Xasan waa ka koriyay taa waxaanu ahaa Daljire danta guud intuu oog u shiday tiisa ku ilaabay.

Cabdi Muxumed

Cabdimuhumed60@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso