Xaalku waa Cagaha iqabsada Coldoon aan sii daayee!. 

 

Waxa mudo dheer Xabsiga ku jiray Muwaadin C/Maalik Muuse Coldoon, isaga oo cidna gacan u qaadin oo nabar u gaysan, cidna cuud ka dhicin se xirfada uu ku xoogsan jirtay oo suxufi ama weriye ahayd ayuu faalo uu ka faalooday awgeed xabsi ku mutaystay, waxa xusid mudan in uu xaq u leeyahay muwaadin kastaa inuu ka faaloon karo, oo uu farta ku fiiqi karo oo shacabka u bayaamin karo meel kastaa iyo wax kastaa oo uu is odhan karo in Ummada loo qayaxo ayey u baahan tahay iyo siddoo kale waxyeelo ayaa kasoo gaadhi karta muwaadiniinta Dalka, ha ahaato Dhanka Diinta, Caafimaadka, Nolosha, Dhaqanka, Dhaqaalaha, Nabadgelyada, wadaniyada, Magac xumada, anshaxa iyo asluubta, hase ahaatee haddii la dhibsado fikirka Muwaadinka ama loo qaato eed aan sal iyo raad lahayn ileen Illaahay oo kaliyaan qaldamin oo aadamaynu nahaye oo gef wuu imankaraaye in si caddaaladi ku jirto laysku turxaan saaraa, se faalo, fikir iyo Hadal maaha wax mudo Sanado ah Jeel Muwaadin loogu hayo, waayo dhaqan keena ayaaba ah Ummad Hadal wax iskugu sheegta Tix iyo Tiraab ba, se taasi hada waxay u muuqataaba in la madnuucay.

Sikastaba ha ahaatee Muwaadin C/Maalik Muuse Coldoon ummadii Reer Somaliland iyo Shanta Soomaaliyeed iyo guud ahaan aduunkaba wey canbaareeyeen xadhigiisa, siddoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa siidaynta Coldoon ka Codsaday Cuqaal, wax garad, dhalinyaro,  Waayeel, suxufiyiin, salaadiin, Haween iyo dhalan. oo Sidday qireen garyaqaano in siidaynta Coldoon uu madaxweynuhu kari karo siddaa laajigeed ay dad badani filanayeen in maxaabiistii uu Madaxweynuhu siidaynaayey 18 May lagu dari doono se may dhicin, Siddoo kale waxa maalmihii lasoomanaa ee ahaa maalmihii uu laylatul Khadarku ku jiray ee ciida ka horeeyey ka Dal baday Madaxweyne Muuse ubadkii uu Coldoon dhalay iyaga oo madaxweynahooda ka codsaday in uu Aabahood u soodaayo si ay maalinta faraxa muslimiinta ula qaataan Aabahood se may dhicin oo Mudane Muuse Biixi Qalbiguu ka Jixaastay dalabkii dhalaanka waana wax laga uur xumaado Qalbi adeega hogaamiyaha Qaranka, ee u jiidh nixiwaayey dalabka caruurtaa uu madaxweynaha u yahay ay ka codsadeen maalinta ciida ah ee  muslimiinta aduunka faraxsan yihiin, hubaal waa xaajo taariikhda ku xusnaandoonta Qalbi adeega Madaxweyne Muuse ku kacay,

Hadal iyo dhamaan cidkastaaba kaa Codsataye, MUDANE MADAXWEYNE FADLAN COLDOON SOODAA, mise wuxuu u xidhan yahay oo laga codsadaa Maraykanka Masiixiyiinta Tabliiqa ah ee Somaliland Jooga, mise Mudane Madaxweyne xaalku waa Cagaha iqabsada aan Coldoon sii daayee?!.

 

Qalbi Dhagaxa Qaran laguma Dhiso.

Fuad Fartaag

Fartaagmuwaadin@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso