Dawladda SOMALILAND Sidee Ayay Uga Hawlgashay Duulimaad ay Pakistan  Hargeysa Kaga soo Dejisay Maxaabiis Dalkeeda ku xidhnaa iyo kuwo JSL  Ku Xayirnaa oo ay Daadguraysay?

Dawladda SOMALILAND Sidee Ayay Uga Hawlgashay Duulimaad ay Pakistan  Hargeysa Kaga soo Dejisay Maxaabiis Dalkeeda ku xidhnaa iyo kuwo JSL  Ku Xayirnaa oo ay Daadguraysay

 

Hargeysa (Togaherer.com):- Dowladaha Somaliland iyo Pakistan, ayaa is-dhaafsaday Muwaaddiniin u kala dhashay labada waddan oo ku kala xidhnaa labada dal, iyadoo diyaarad gaar ahi Maxaabiista reer Pakistan ay ka qaadday garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, ka dib markii ay halkaas ka soo dejisay Muwaaddiniin reer Somaliland ah.

100 ka mid ah Culimada Tabliiqiga oo muddo dhawr bilood ah ku xannibnaa gudaha Somaliland kaddib markii ay xukuumaddu xayiraad saartay duullimaadyada diyaaradaha sababo la xidhiidha cabsida laga qabo fiditaanka Caabuqa Coronavirus, ayaa diyaarad gaar ah oo dowladdoodu u soo dirtay ka raacay garoonka Hargeysa, waxaana daad-guraynta dadkan iska kaashaday xukuumadaha Somaliland iyo Pakistan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan ayaa sheega inay tallaabadii u horeysay is-af-garad dhexmaray laba dowladood ku heshiiyeen sidii ay isku dhaafsan lahaayeen muwaadiniin ku kala xanniban labada waddan.

Wasiir ku-xigeenka oo u warramay Saab tv, waxa uu sheega in diyaaraddan oo tirada laba jeer soo gaadhay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa todobaadyadii u dambeeyey isla markaana ay dalka Pakistan ka soo qaatay muwaadiniin Somaliland u dhashay oo tiradooda lagu sheegay 56 Qof oo ku go’doomay dalka Pakistan kaddib markii la xaddiday duullimaadyada diyaaradaha oo ka dhalatay Cabsida Cudurka Covid-19 oo si xawli ah ugu baahay dunida.

Diyaaraddan, ayaa labada jeerba sii kala qaatay 100 Culimada Tabliiqiga oo asalka aasaaskoodu ka soo jeedo dalka Pakistan kuwaas oo hawlaha Baraarujinta Diinta Islaamka u joogay Somaliland oo xarun u ah Xarunta ugu ballaadhan Bariga Afrika ee ay ku kulmaan Jameecada Tabliiqiyiinta oo isaga kala yimaadda caalamka

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso