Tacsi: Anaga oo Ku Hadlayna Magaca Maamulka iyo Ka Dhamaan Shaqalaha Shabakada Togaherer Waxaan Tacsi U diraynaa Eheladii Ladaba Marxuun ee Sh. Maxamed Aadan iyo Muj Xasan Guure Oo ku Geeriyooday Hargaysa

Tacsi: Anaga oo Ku Hadlayna Magaca Maamulka iyo Ka Dhamaan Shaqalaha Shabakada Togaherer Waxaan Tacsi U diraynaa Eheladii Labadan Marxuun ee kala ah Sheekh Maxamed Aadan Carab iyo Mujaahid Xasan Guure Oo  ku Geeriyooday Hargaysa .

Alle ha u naxariistee waxa  ku geeriyooday Magaalada Hargeysa Sheekh Maxamed Aadan Carab iyo Muj Xasan Guure oo ka mid ahaa Haldoorka Somalilandiyo .

Aan ku Horeeyee AHN Sheekh Maxamed Aadan Waxa uu ahaa Ganacsatadii Dabaqada Dhexe Taas oo mudo Kadib uu u baydha Dhinaca iyo Dacwada una Xadhko urursaday sidii uu dacwada uga horaysin lahaa Maamlka. Sheekh Mudooyinkii u dambeeyey Waxa uu u kala safri jiray Qaarad ilaa Qaarad si uu dacwada u fidiyo. Sheekh Maxamed Carab AHN Mudo uu burkay kadib Waxaa Oofsaday Alleh oo u kaxeeyey Gurigiisii Rasmiga ahaa . Ilaahay ha u naxariisto Maruumka Samri iyo iimana alleh ha inaga wada siiyo gaar ahaa ehelkiisii iyo Qaraabadii uu ka baxay. Janatul Firdawadana alleh ha geeyo.

Dhinaca kale waxaa Saaka Magaalada Hargaysa ku geeriyoday AHN Muj Xasan Guure Oo ka mid ahaa Madaxdii ugu sarsaraysay ee Ururkii Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Somaliyeed Ee SNM. Xasan Guure Mudooyinkii u dambeyey waxa uu ahaa Gudoomiyaha Madaxsha Wadatashiga oo ay ku bahoobeen odayaal mudakar ah oo ah hadhaagii SNM. Ilaahay ha u naxariisto Samarin iyo iimaana alleh ha inaga siiyo gaar ahaa Ehelkiisii iyo Qaraabadii uu baxay

Aniga oo ku hadlaaya Magacayga iyo Magaca Hawlwadeenada Warbaahinta Togaherer Waxaan tacsi u dirayaa Dhamaan elehadii iyo Qaraabadii iyo  Asxaabtoodii iyo shacbiga Soomaalida Geerida Naxdinta leh ee ku timid Alleh u naxariistii labadan Marxuum

Mar labaad waxaan leeyahay Illaahay samir iyo iimaan ha inaga wada siiyo dhamaanteen meeshay  ka baxeena badal/Cawil khayr qaba Rabi inaga siiyo.

Inaalilaahi Wa inaa ilayhi Raajicuun

Alle Subxaanuhu Watacaalaye waxaanu uga baryaynaa in Marxuumiinta uu  ku sugo Qawlka Saabitka ah janadiisana ku casuumo.

Amiin Amiin Amiin

Advertisement

Ku Xayeysiiso