Dagaalkii dhaqaalaha – Taxanaha Soomaali waa walaalo, Q. 10aad

Laga soo bilaabo 1981-kii, haddii uu qof Isaaq ahi u baahdo inuu lacag ka amaahdo bangigii Soomaaliya, shardiga laga rabay wuxuu ahaa inuu soo kaxaysto qof aan Isaaq ahayn. Isla kolka uu soo kaxaysto qof aan Isaaq ahayn ayaa loo oggolaanayay inuu lacagtaas amaahdo (HRW, A government at war with its own people, bogga 83aad).

Isla warbixintan kore waxa lagu xusay ganacsade kasta oo Isaaq ah oo u baahda inuu dibadda u dhoofiyo badeecad, in lagu waajibinayay inuu soo kaxaysto qof aan Isaaq ahayn, si uu u helo liisanka dhoofinta. Dabcan waa bahdilaad iyo cunaqabatayn wada-socda.

Warbixintani waxay xustay in ugu dambayn bishii Feebarwari ee sannadkii 1982-kii Isaaqa laga xayiray ganacsigii ay dibadda kala soo degi jireen iyada oo loo isticmaalayo nidaam ay ula baxeen LC (Letter of Credit).

Maalin qudha, iyada oo aan la sii sheegin ayay dawladdu la wareegtay maraakiib u rarnayd ganacsato Isaaq ah, hantida saarnayda waxa lagu qiyaasay 300 milyan oo shilling oo xilligaas u dhigmaysay 50 milyan oo Doollar (ibid, bogga 35aad)

Taliskii Siyaad Barre kolkii uu gacanta ku qabtay raashinkii iyo badeecadahii aasaasiga u ahaa nolosha dadka, waxay u qoondaysay in lagu iibiyo goobo cayiman oo ay dawladdu calmatay.

Waxa la gaadhay heer safaf dhaadheer loo galo si uu qofku u soo iibsado cunto kooban oo uu wakhti kooban isticmaalo, wakhti kooban ka dibna uu kuyuugii ku soo noqdo. Xiitaa rubuc daqiiq ah qofku ma uu heli karayn qofku haddii aanu kuyuugaas gelin.

Waxa cidhiidhi la galiyay noloshii caadiga ahayd, iyo raashinkii daruuriga ahaa.

Waxa kale oo warbixintan lagu xusay in marka ay doonaan ciidanku iska iman jireen meheradaha wax lagu iibiyo, waxa ay doonaanna ka qaadan jireen iyaga oo aan wax lacag ah bixin. Mararka qaar, waxay siin jireen lacag aad uga yar qiimaha uu shaygu taagan yahay, haddii uu qofka meheradda haystaa hadal ka keenana waxay ku eedayn jireen inuu sicir-barar abuurayo.

Waxa ka sii darnayd in Saraakiisha sarsare ay kolka ay doonaan iska geli jireen meheradaha, ka dibna ay mulkiilaha ku qasbi jireen inuu faa’iidadiisa wax ka siiyo, haddii uu diidana xabsi loo taxaabi jiray (Ibid, page 85).

Isla warbixintan waxaa lagu xusay in ganacsatadii weli ganacsigoodu sii shaqaynayay ay laba midkood uun noqdeen: ganacsade dhaqaale badan haysta oo laaluush badan bixiya, iyo mid basaas u noqda dawladda oo xog u gudbiya.

 

Ganacsade Maxamed Ismaaciil Kaahin oo bishii Julaay 6, 1989-kii waraysi lagaga qaaday dalka Ingiriiska, wuxuu sheegay in mar uu alaab dibadda uga soo degtay ka doontay dekedda Berbera la weydiiyay lacag u dhaxaysa 1 – 1.5 milyan oo shilling oo ahayd lacag ka baxsan tii cashuurta, kolkii uu qoladii dawladda weydiiyay halka ay lacagtaasi ka timidna, waxa loo sheegay inuu yahay Isaaq (Ibid, page 84).

Ganacsadahani wuxuu sheegay in qof kasta oo laaluushkaas xoogga ah bixin waaya lagu shaambadayn jiray inuu dalka keenay alaab koontarabaan ah oo lagala wareegi jiray, isla kolkaasna ay kuwa magaca dawladnimo ku qaatay ay suuqa ku soo iibin jireen.

Warqaddii ay warbaahinta caalamku u bixisay “Death letter” ee uu Dhagarqabe Moorgan u diray Soddoggii Afweyne bishii Jeenawari 23, 1987-kii, waxa ku qornayd in idil ahaan beesha Isaaqa lagala wareego hantida, laguna wareejiyo reeraha kale. In la xayiro akoonada Isaaqu ay bangiga ku leeyihiin, in la burburiyo ganacsiyada ay Isaaqu leeyihiin, in la dumiyo barkadaha ay biyaha ka cabbaan dadka iyo xoolaha reer miyiga ahi. (tixraaca warqadda: TQB26/XKT/28-5/6/87 Taariikh: 23/01/87).

Warqaddan, illaa immika waa laga soo heli karaa arkiifiyada Villa Wardhiiglay.

Duminta barkadaha iyo gumaadka xoolaha nool, waxa barbar socday in la xayiray idil ahaan xoolihii la dhoofi jiray dekadda Berbera.

 

Dhoofka xooluhu 80% ayuu ka ahaa Soomaaliya waxay dibadda u dhoofiso oo dhan, halka 60% uu shaqa-abuur dadka u ahaa. Sida oo kale, Dhaqaalaha Woqooyigu 90% wuxuu ku tiirsanaa dhoofinta xoolahaas. (HRW, A government at war with its own people, page 87).

 

Qofka reer miyiga ah waxa loo diidi jiray inuu barkadda uu isagu dhistay wax biyo ah ka cabbo. Wacays Aw Xassan ayaa barkad uu lacag badan ku bixiyay ka dhistay Waraabeeye oo u dhaw Burco bilowgii 1988-kii, isla kolkii uu sidaas gacanta uga qaaday ayay ciidanku kala wareegeen barkaddiisii, kolkii uu ka codsaday in loo oggolaado inuu wax uun biyo ka cabbana waa la xidhay, illaa iyo ay qoyskiisii xoolo bixiyeenna lama soo dayn (ibid, page 93)

Yuusuf Xuseen wuxuu sheegay in walaalkii oo barkad lahaa aanu toddoba gu’ wax biyo ah ka cabbbin oo ay ciidanku ka qaadeen, 180 barkadood oo deegaankaas ku yaallana ay in yar uun dadku wax ka cabbi karayeen (ibid, page 93).

In xoolaha iyo dadka loo diido inay biyaha cabbaan, waa ku talagal badheedh ah inay harraad u dhintaan, dabcanna waa hab kale oo dhaqaalaha Isaaqa loola dagaallamayay.

Waxa si toos ah Isaaqa looga xayiray inay fursadaha shaqo, ganacsi, mashaariic iyo dhaqaale ula sinnaadaan reeraha kale (Ibid, page 83).

 

Shaqooyinkii sarsare, kuwii dawladda, iyo shaqo kasta oo macne lahaydba waxaa kooto loogu xidhay cid aan Isaaq ahayn. Waxa la gaadhsiiyay in muwaadin aqoon sare lihi uu bilaa camal u ahaado haybtiisa awgeed, qoxoonti aan waxna qori karin, waxna akhriyin karinna uu shaqo sare haysto haybtiisa awgeed.

Warbixintaasi waxay xustay, in qoxoontigii ka soo barakacay dagaalkii 1977-kii qofka ugu musharka yari uu qaadan jiray 1,300 oo shilling, ugu badnaanna uu qaadan jiray 3,000 oo shilling. Halka dadka deegaanka ku ah magaalada ay qoxoontiga ku yihiin ka ugu mushaharka sarreeyaa uu qaadan jiray 500 oo shilling.

Waxa kale oo uu Moorgan isla warqaddaas kore ugu sheegay Soddoggiisii uu daacadda u ahaa in magaalada Hargeysa ay ka shaqeeyaan 337 gaadiidka basaska ah. Moorgan wuxuu ku dardaarmay in basaskaas lagu soo reebo 80 bas oo qudha, inta kalena ciidanku la wareegaan oo qoriyo la saaro.

 

Kulankii ay guurtida Isaaqa ahi la yeesheen Afweyne sannadkii 1982-kii, waxay ku xuseen in aan hal warshadna laga dhisin Gobollada Woqooyiga intii uu Afweyne dalka haystay. Odayashaasi waxay tiriyeen toban warshadood oo Koonfur laga dhisay kaliya intii uu Afweyne dalka haystay.

Waxa kale oo ay sheegeen intii ay Soomaaliya jirtay oo dhan in hal warshad oo qudha laga dhisay Gobollada Woqooyi oo ahayd ta Laasqoray, dabcanna waxa dhisay xukuumadihii rayidka ahaa.  (Elders memorandum, page 4 – 5)

Sida ku qoran kaydka ka hadhay kulankii ay odayaashaasi la yeesheen Afweyne, waxay xuseen in aan hal mashruuc oo beeraha lagu horumarinayo laga fulin Gobollada Woqooyi, halka isla kolkaas ay Koonfur ka socdeen mashruucyo kor u dhaafay hal bilyan oo doollar (Ibid, page 36).

Odayaashaasi waxay hor dhigeen Afweyne in aan wax waddo ah laga dhisin Woqooyiga, in aan hal mashruuc oo shaqa-abuur ah loo samayn. Waxay caddeeyeen in xilligii gumeysigu uu kaga fiicnaa shaqa-abuurka (Ibid, page 36), isla wakhtigaas, Koonfur mashruucyada shaqa-abuurka ee laga fuliyay waxay gaadhsiisnaayeen halkii ugu sarraysay.

Waxa kale oo isla warbixintaas HRW lagu xusay in Reer Miyiga Isaaqa ah kolka ay xoolaha keenayaan magaalada ay soo mari jireen bar-kaantaroollo badan (checkpoints), isla halkaas ayaa inta badan xoolahooga xoogga lagaga la wareegi jiray iyada oo lagu eedaynayo inay SNM lacagta siinayaan, ka dibna ciidanka ayaa dib u iibsan jiray xoolaha.

Haddii aan qofkaas reer miyiga ah laga qaadin wuxuu sito, waxa la saari jiray cashuur ka badan inta laga soo siiyay. Waxa si isku mid ah cashuur laban-laaban oo inta la doono la iska kordhisto loo saari jiray xoolaha, caanaha, subagga, haragga iyo wax kasta oo ay magaalada u iib keenaanba.

Xoolaha oo kaliya ma ay ahayn waxa ay ciidanku xoogga ku qaadan jireen, waxa la mid ahaa dhuxusha, looxaanta, nuuradda iyo wax kasta oo faa’iido lehba si isku mid ah ayay ciidanku u boobi jireen. Runtii waxay ahaayeen budhcad isu baxday oo shaadh dawladeed soo xidhatay.

Dagaalka dhaqaalaha xiitaa waxa aan ka nabadgalin dumarkii caanaha iibin jiray iyo kuwii sharaabka shiidi jiray.

Safiya Cali Mataan oo ay hay’adda HRW waraysi kula yeelatay Landhan, bishii Ogos 17, 1989-kii, waxay sheegtay in dumarka caanaha iibiya iyo kuwa sharaabka ridqa maalin walba laga qaadi jiray cashuur 10 shilling ah, halka lixdii biloodna ay ka bixin jireen cashuur 3,000 oo shilling ah (500 oo doollar ayay u dhigmaysay xilligaas). Warbixintu waxay sheegtay in aan cashuurtan laga qaadi jirin dadka aan Isaaqa ahayn (Ibid, bogga 85aad). Ka warran qof caano iibiya oo laga sugayo inuu $500 cashuur ahaan u bixiyo?

Isaaqa Woqooyiga jooga oo qudha kuma uu koobnayn dhibkani, waxa la mid ahaa idil ahaan Isaaqii joogay Soomaaliya.

Xaashi Afboor oo Muqdisho ku noolaa ayaa gu’gii 1986-kii u baahday inuu akoonkiisa lacag kala baxo, waxaa si toos looga gooyay lacagtiisii qayb ka mid ah, kolkii uu sababta weydiiyayna waxaa loo sheegay in ganacsiyo loogu abuuray afar nin oo aan Isaaq ahayn. (Ibid, page 85)

Inkasta oo uu qaadku yahay geed aan fiicnayn, haddana xayiraaddii ay xukuumadda Afweyne ku soo rogtay 1983-kii ujeeddadeedu ma ay ahayn inay ugu danayso dadka, ujeedku wuxuu ahaa in lagu dumiyo dhaqaalaha qoysas badan oo qaadka laga biilin jiray, dabcanna way dhacday oo qoysas badan ayaa quutal-daruurigii ku adkaaday.

Sida ay warbixintu xustay, iibintii qaadka waxa la wareegtay ciidamada qudhooda, iyaga ayaana sameeyay suuq madow oo ay aad uga lacagaysteen. Ciidanka ayaa iibin jiray, halka isla qofka ay qaadka iibiyaan ee Isaaqa ah uu toogasho ku xukunnaa(Ibid, bogga 86aad).

Ciidanku qaadkii waxay ka dhigteen walax ay dadka ay doonayaan ku bartilmaameedsadaan oo inta ay qaadka ka iibiyaan, ayay haddana ku xidhi jireen isla wixii ay iyagu ka iibiyeen.

Haddii qof ay dambi u samaynayaan uu qaadka iibsan waayo, gaadhigiisa ayay ku ridi jireen woxoogaa jaad ah. Ka dib, isla kolkaas ayaa looga yeedhi jiray xafiiska Nabad Sugidda kaliya si gaadhigiisa looga baadho qaadka lagu og yahay, kolka ay ka helaanna waa ay xidhi jireen! (Ibid, bogga 86aad).

Sida ay warbixintu xustay, dagaalkaas dhaqaale wuxuu u gaar ahaa beesha Isaaqa. Ma uu jirin sharci si dhammays-tiran dalka looga wada fuliyaa, sharci kastana waxaa loo samaysanayay dad gaar ah oo lagu dhaqo, si loogu ciqaabo.

Xigasho:

Human Rights Watch, A government at war with its own people – testimonies about the killings in the north 1990, (Bogga 83aad illaa bogga 86aad).

Qore: Maxamed Sharma’arke

Sharmaake91@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso