Dhimashadii Macallinka. Waxaa Qoray : Abdifataah M.Ahmed

Dhimashadii Macallinka

Sannado ka hor waxaan idin soo direy,Maqaal ciwaankiisu ahaa”Dhimashadii Ardeyga”.qorraalkaasi wuxuu ahaa qadarin iyo xus waayo geeridda ardayad aan aqaaney oo badweynta doonta muhaajiriinta tahriibku  kula gadoontey,ayaa wakhtiga si weyn ii taabatey.Maantana aan Xusno“Dhimashadii Macallinka”.

Macallimiintu inta ay xirfaddani ku jirraan waxa ay nasiib u hellaan in ay wax soo baraan tiro badan oo ardey ah,Cilmi baadhe kasta Ardey ayuu u soo ahaan jirey macallinkiisii,Macallin kastaana Maaddo iyo Cilmi gaar ah ayuu takhasus u lahaa oo lagu qadarin jirey Dhigisteeda si fiicana looga dhageysan jirey,in aan wixii horre lagu soo celcelin horrena loo socdaa waa aragtiddii ay guud ahaan macallimiintu ka sinaayeen,waxase ay ku middeysnaayeen dhammaantood in aan fikir khaldan oo jaahilnimo ardeyda aqoon looga dhigin lana siiyo dersiyo maangal ah.

Xirfaddlayaal kasta oo bulshadeenu waxa ay leeyihiin hab ay ku dhaqmaan si ay himiladooda u gaadhaan,waxa ku duugan waayo-arag dheer iyo khibrado ay ka helleen gudashadii shaqada,siddaasi oo kale waa in macallimiinteenu ay ka tagaan khibradaasi oo ay soo bandhigaan iyaga oo dareensan baahida bulshadu u qabto buuggag iyo cilmi-baadhisyo wax lagaga ogaado shaqada macallinimada.Wuxuu ahaa Macallin la Jecel yahay,Wuxu ahaa Macallin PHD ah shahaadooyin sarrena heysta,wuxuu ahaa Mufakir iyo hal abuure fikir,wuxuu ahaa mid kumanaan ardey ahi garaneyso,wuxuu ahaa dersi dhige wanaagsan,wuxuu ahaa qof leh weji dhab ah oo macallinimo,wuxuu ahaa Codkar,wuxuu ahaa aqoonyahan keliya Xasuus uma noqoneyso Barrayaasheenna.

Nolosha Macallinka dhibaatooyin badan ayaa ka hor imanaaya inta uu xirfaddani ku jiro waxna baraayo Ardeydiisa,Wax walbana is xilqaan,sabir iyo dedaal Ayey kaga soo gudbaan,Kuwo badan oo dabaqada hoose ee nolosha ku jirraana ma hellaan kaalmo,gacan qabasho iyo gargaar ku filan noloshooda oo ay kaga gudbi karaan dhibaatooyinka badan ee heysta,Dhaqaale darro,Xaq iyo xuquuq daro lagu illaawey ayaa fikir joogto ah ku reebay garaadkooda muddada ay wax dhiggayaan iyada oo aan cadaalad saxi jirin.xilligaasi waxa keliya ee ay hellaan lana soo xidhiidha si shakhsiyan ah waa ka warheyntii ardeydoodi horre,kuwaasi oo taageero dhaqaale iyo daryeel siiya si cabsida iyo werwerku uga yaraado.

Macallimiintu wey dhimmanayaan sida dadka kale oo dhanba,intaan Maqaalkani qoraayey waxaan xasuusanaayey Maamulayaashi iyo Macallimiintii wax ii soo dhigey agtoodana aan ku soo barbaarey,adduunkana ka baxey ee geeridu ina kala fogeysey,iyo kuwii aan wax wada dhigi jirney ee soo dhintey lana aasey,barrayaal badan oo luxudka jiifaa waxa ay u dhinteen dayac ka warheyn la,aan,Dhiig kar ,gaastari iyo cuduro Balwaduhu ay ku sababaan,Kuwo badan oo Ardeydooda haanuninaaya ayaa isku illaawey balwad 30meeyo sanno,Jaadka iyo sigaarku barrayaal badan waxa ay ku sii wadaan iilka Qabriga,waxey ku sii wadaan halka akhiro lagaga arooro/Xabaasha.Macallin Jooji Balwadaha,Ustaad Khamriga ha cabin oo PHDda iyo Cilmi maaddiga badani  yaanu Jar ka tuurin,Waa dilaa.

Macallinkeena dhinta xabaalaha muslimiinta ayaa lagu darraa,oo aas qaran looma sameeyo xabaalaha qarankana laguma aaso,wuxuu ahaa macallin dersiga maaddadiisa ka adag,Buugg qorey,Daacad ahaa,,nolol fuddud ku noolaa,,furfurnaanaa ayaa lagu odhan,wuxuu ka tagey sumcad iyo hanuunin,wuxuuse u dhintey BALWAD ,waanuse ku duceyne.

Ujeeddada Maqaalka:Dhimashada Macallinka,Waxtarka uu macallinka ka tagey,Xuska iyo Qadarinta barrayaasha xijaabtey,Halganka Nolosha Macallinka.

Abdifataah M.Ahmed

Ceelaabe_10@hotmail.c

Advertisement

Ku Xayeysiiso