Daawo: Gudida Amniga ee heer Deegaan oo Saaka yeeshay Kulan ay ku gorfaynayaan Xaalada Aniga Deegaanka

Golaha amniga ee heer degaan saaka yeeshay kulan. Kulankan ayay golluhu kaga wada hadleen xaalada amni ee ka soo dartay ee degaanada Salaxaad iyo Raaso.

Golluhu waxaa uu isla gorfeeyay sidii wax looga qaban lahaa dhibaato halkaa ka dhacday oo keensatay in lagu waayo naf muwaadiniin shacab ah.

Kulankan Gollaha Amaanka ee DDS ooo uu gudoominayay Madaxwayanaha DDS Miudane Mustafa Muxumed Cumar ayaa isla gorfeeyay sidii xaalada loo dajin lahaa loona dhawri lahaa saraynta sharciga iyo bad qabka shacabka.

Waxaa kale oo guddigu dhagaystay warbixinada waaxyaha Amniga si xal looga gaadho khilaafyada degaamadaas ka jira.

Advertisement

Ku Xayeysiiso