Qalqaaligii Iskuulka


Qalqaaligii Iskuulka

Ardey koobann ayaa Xassuus iyo raad ku reeba dugsiyadda ay wax ka soo barteen,Kuwii Xishoodka badnnaa Maamulka iyo Macallimiintu ma illaawaan,Kuwii Akhlaaqada badnnaa si dhayal ah maskaxaha ugama tirtirmaan,Kuwii Waxbarashadda ku fiicnaa ee Kaalmaha horre Sannaddugsiyeed walba iska yeeshay qaluubta ayey Qarniyo ku jiri doonnaan,iyada oo Maamulka iyo Macallimiintuba u hilloobi doonto soo noqashada mar kale jiilkaasi amma Lodkaasi.Ardeydii Dallada Wacyigelinta ku fiicnaa taariikh baa u taall isgoolka,Ardeydii Suugaanta iyo Riwaayaddaha ku soo caan baxey soona jiitey quluubta farxadd aan dhammaneyn ayaa isgoolka u taalla,Ardeydii Maamulka iyo Hoggaaminta hibadda u laheyd karaama u taalla iskuulka,Ardeydii Akhlaaqda fiicneyd Sharaf baa u taalla xafiiskii isgoolka,fasalladii,Safkii Subaxii,barxaddii isgoolka iyo Maqaaxiddiinususaacahaintaba,Kuwii Ciyaaraha iyo orodka  ku fiicnaa koobaab iyo billadaa u yaalla isgoolkii.Barbaartii Ollolaha Nadafadda toddobaad walba ka qeyb qaadan jirey,isgoolka waxa ay ka Baxeen iyaga oo aan wax xashiisha ku arkeynin kagana tegin.

Ardey badan oo Dugsiyadda loo direy Dhanka kale waxa ay ahaayeen kuwo aan waxbarashadda rabin,Waxa ay ahaayeen kuwo aan illaalin Saacaddaha/Xilliga Xiisaddaha Fasalladooda,waxey ahaayeen kuwo dagaal iyo Rabshad badan,Waxey ahaayeen kuwo Barrayaashooda la dagaalama,Waxey ahaayeen kuwo sheeko badan inta sharaxa casharku socdo,Waxey ahaayeen kuwo abaabulla kooxo iyo isxulafeysi,Waxey ahaayeen kuwo dhaggo addag oo aan waxba maqlin,Waxey ahaayeen kuwo aan waxba akhriyin oo saaqiddiin loogu yeedho imtixaannadana dhaca laguna khasaarey,waxey ahaayeen kuwo caalamka hablaha fasalka kaga mashquuley dantoodii,waxey ahaayeen kuwo ku caan baxey toocsiga,waxey ahaayeen kuwo aan soo celin alaabta ay qaataan/ergistaan,waxey ahaayeen kuwo balwaddaha iyo maanddooriyaha yaraan ku soo qabatimey,waxey ahaayeen kuwo dhaqan celin isgoolka loo keennay,waxey ahaayeen kuwo aan balcadda iyo maryaha dusiga lagu karin,waxey ahaayeen kuwii xiisadaha ku seexan jirey si u kas ah oo macallinku tamashiirta ku tuuri jirey,Kuwaasi oo dhan ayaa soo niyad jebiyey macallimiin iyo Maamulayaal isgool kuna dirqiyey in ardey badan isgoolka Beddel(Transfer) laga siiyo amma eryo.

Qollada xagga hoose aan ku sheegay,suuqa wey isku arki doonnaan mustaqbalk,kooxda ardeyda ah ee aan xagga sarre ku qorreyna suuqa wey isku arki doonnaan,qaar wey isku farxi doonaan,qaarna wey isku qosli doonaan,qaarna casharadda iyo waayaha nolosha ayaa macallin u noqon doona jidka toosan ku soo dabaali.Sannado xiiso leh oo isugu jira Xaraabaad,Maaweello,Waxbarasho,Qalqaalinimada iyo hab dhaqan aan la mahadin Lod walba wuu soo maraa.Ardeygeennu ha is weydiiyo taariikhda uu rabo in uu isgoolkooda kaga tago.

Abdifataah M.Ahmed

Ceelaabe_10@hotmail.

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso