Xufaada Quraanka Eebe

 

Xufaada Quraanka 

Hablo iyo inamo badan ayaa Sannadka oo dhan ku mashquulsan qeybida iyo Xafidida Hadalka Eebe,Waa Quraankee,kuwo iyagu is direy,amma lagu dhiirigeliyey oo sannado horre ka helay dhiirigelin xufaad bulshadda u soo baxey  ayaa wakhtigooda u hibeeyey siddii ay u xassusan lahaayeen una akhriyi lahaayeen Quraanka iyaga oo xafidsan,xasuustana ku haya.xufaadaasi waxa ay dalab iyo barasho intaba helaan wakhtigan aynu ku jirno ee rabadaanta,waana inamada iyo imaamada ina tujiya salaada taraawiixda badi,xufaadaasi si gaar ah ayey iyaguna rabadaanta u sugaan,Marka ay quraanka Akhriyayaan meel yar ma khaldaan,lagumana baran in ay quraanka ku istaagaan,waxaanad arkeysaa iyaga oo u sii diyaar garoobaaya akhriska quraanka saalada taraawiixda,Hablahaasi iyo inamadaasi la dhimmanaaya iyaga oo hadalka Eebe xafidsan ciidu kuma cunto qabrigooda,

Inta bishan lagu jiro bahdaasi iyo kooxahaasi waxa ay ka qeyb galaan tartano kala duwan oo mu,asasado kala duwan ayaa qabtaan inta bishan lagu jiro,Maalin kasta koox ardeyda ka mid ah ayaa quraan akhris gala kuwaasi oo ka dhawrsada in ay meel qudha Khaldaan ama garan waayan aayada quraanka ee la soo qabtey suurada ay tahay, tartananadaasi waxa ka hadla culimo iyo dad ka mid ah qeybaha bulshada,ugu danbeyna waxa la soo saara kaalmaha kala duwan ee ardeydu ay galaan jaa,isadana lagu siinaayo iyada la guddoonsiiyo abaal marino lacago,alaabo iyo baabuur isugu jirta

Dhanka kale Masaajidada ay tujinayaan saalada taraawiixda iyo tahajudka ayaa u diyaariyaa xaqal Eid Da,yartaa xufaada ah ee bishaa habeen iyo maalin quraan akhriska saaladaha dhaadheer lahaa,waxaanna illaahey bisha ku arsaaqa xaqal Ciid iyo hadyado badan,Annaga Sheikha na tujiyaa Mar qudha kuma Istaago Akhriska quraanka,waana nin da,yar,wuuna farxi doona marka la gaadho habeenada ugu danbeysa.

Adduunka bandooga ah maxaa xufaad cussub bishan quraanka ay xifdiyeen masaajidada ku camiri lahaa codkooda macaan kala xareysan,xufaadii horre ee bulshada iyo kuwa cussub ee sannadkan ku sii biireyba waxaan leeyahay rabadaan kariim wallalayaal,ana maalin waan xifdiyi doonnaa in badan quraanka oo laabta iyo qalbiyada ayaan kuwada heyn doonaa 6666 ayaadood,114 suuradood.

Abdifataah M.Ahmed

Ceelaabe_10@hotmail.com

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso