Degdeg: Diyaara Ambulas ah ayaa Dawlada Turkigu u dirtay Muwaadin u dhashay oo Covid 19 qaba oo cusbataalada Sweden diideen dawayntiisa.

Diyaarad Ambalaas Turki ah ayaa ka soo degtay  garoonka diyaaradaha Storp ee ku yaal magaalada Malmo ee dalka Sweden, Taas oo u soctay Qaadida Muwaadin u dhashay dalka Turkiga, “Amru Allah Gulushen” oo qaba cudurka Covid 19.


Diyaaradda ayaa timid Sweden, ka dib markii Wasiirka Caafimaadka Turkiga Fakhruddin Kuja uu ka helay codsi caawimaad ah gabadha uu dhalay dhibanaha oo  ah ee Leila, oo sharaxday in isbitaalada Iswidishku ay diideen inay daweeyaan aabaheed.

Diyaaradan Ambalaasta ee Turkiga ayaa waxaa raacay  Aabihii bukaanka ahaa  iyo saddex ka mid ah wiilashiisa.

Gabadha Aabaha bukaanka  ahi dhalay, Laila, waxay sheegtay inay dareentay sharaf iyo karaamo markii ay aragtay diyaaradda oo ku soo degtay garoonka diyaaradaha ee Malmo si ay aabbaheed ugu qaado  dalka Turkiga.

Waxay sharraxday in saraakiisha Turkiga ay la xidhiidheen kadib markay heleen war ah in aabaheed uu ku dhacay cudurka fayraska isla markaana isbitaallada Sweden ay diideen inay daweeyaan.

“Waxaan la noolahay qoyskeyga Sweden oo astaamaha Corona ay bilaabeen inay ku soo muuqdaan aabahay 11 maalmood ka hor, waxaanan isbitaalka ugu yeedhnay si isdaba joog ah laakiin nama aysan jawaabin,” Leila ayaa ku soo qortay barteeda twitter-ka.

“Kadib markii xaaladdii caafimaad ee aabahay ka sii dartay, dhakhtar ayaa yimid gurigeena wuxuuna xaqiijiyay inuu qabo corona, wuxuuna ku taliyay in loo qaado isbitaal, laakiin inkasta oo ay xaqiijiyeen inuu qabo cudurka corona, waxay ka saareen isbitaalka waxayna ka codsadeen inuu guriga joogo.”

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso