Somaliya oo shaacisay 62 xaaladood oo kiisas cusub oo Covid-19

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo baxay oo nuqul kamid ah ay hehsey Wakaaladda Wararka SONNA ayaa waxaa ay ku faah faahisay xaalado cusub oo ku soo kordhay Covid-19.
Wasaaraddu waxaa ay shaacisay 62 xaaladood cusub ee Covid-19,taasi oo tirada guud ka dhigaysaa 390 oo kiis dadka uu soo ritay xanuunka Corona Virus.
Sidoo kale waxaa jirta ,2 qof oo u geeriyootay xanuunkaasi,waxaana tirada guud ay ka dhigaysaa 18 qof,sidoo kale labo kale ayaa bogsootay,waxaana guud ahaan tirada bogsoshada noqonaysaa ilaa 10 ruux.
Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii loo xakameyn lahaa faafidda xanuunkaasi,iyadoo ay socdaan dadaalo badan oo bulshada lagu bad-baadinayo.

Advertisement

Ku Xayeysiiso