Noocyadda Diiqada Ama Niyad Jabka W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar)

Baryahan dambe waxa soo badanaaya cudurada nafsig ah kuwaas oo dadka mooraal ahaan ugu dhaca waxa jira dad badan oo dhibkani ku dhaco marka ay soo wajahaan duruufo nololeed.

Waxaa jira dhowr sababood oo suurtagal ah oo keena niyad-jabka. Waxana ka mid ah taaiirkh qoys ama duruufo nololeed oo qofka ku yimaada sababaha caamka ah waxaa ka mid ah:

Tariikh qoys isticmaalk maandooriyaha, duruufo nololeed dhaawac maskaxda soo gaadha hurdo la’aan badan xanuun qofka asiiba
Qiyaastii 21% dadka leh dhibaatooyinka isticmaalka maandooriyaha ayaa la kulma niyad jabka daran
Niyad jabku wuxuu u kala duwanaan karaa noocyadan iyada oo ku xidhan kala darnaanta calaamadaha qofku qaba
Dadka qaar waxay la kulmaan marxalado khafiif ah iyo mid ku meelgaadh ah, halka kuwa kalena ay la kulmaan xaalad kacsanaan daran oo joogto ah
Waxaa jira laba nooc oo waaweyn oo diiqad ah waxayna kala
yihiin : jahwareerka weyn iyo jahwareerka joogtada ah.
Jaahwareerka weyn.
Jaahwareerka weyn waa nooca murugada ee aadka u daran. Waxaana lagu gartaa dareenka joogtada ah ee murugada, rajo la’aanta, iyo qiimo darrada uu qofku dareemo laakiin si lagu garto niyad-jabka caafimaad, waa inuu la kulumo qofku 5 ama ka badan astaamaha soo socda muddo 2 toddobaad ah:

inaad dareento niyad jab maalinta oo dhan
luminta xiisaha howlaha caadiga ah
miisaanka oo yaraada ama korodha
hurdo aad u badan ama aadan awoodin inaad hurdo seexato
fikir gaabis ah ama dhaqdhaqaaqa nololeed
daal ama tamar yari maalmo badan
Dareemid qiimo la’aan ama dambiilo nimo
luminta feejignaanta ama miyir-beelka
fikradaha soo noqnoqda ee dhimashada ama isdilka iwm
Jaahwareerka joogtada ah.
jaahwareerka joogtada ah waxaa loo yaqaanay (dysthymia ) . Waana nooc khafiif ah, laakiin waa nooc daba dheeraada
Maxaa lagu garan karaa?
Luminta xiisaha howlaha maalinlaha ah ee caadiga ah
dareemid rajo la’aan
wax soo saar la’aan
isku kalsooni la’aan
diiqada iyo niyad jabka si guul leh ayaa loo daaweyn karaa, laakiin waxaa muhiim ah in loo dejiyo qorshe daaweyneed oo waxtar leh.

W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar)
Suxufi madax banaan
Hargeysa somaliland
Email: Cabdiraxmaan800@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso