Noocyadda Diiqada Ama Niyad Jabka W/Q:  Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar)

 

Noocyadda Diiqada Ama Niyad Jabka

W/Q:  Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar)

Baryahan dambe waxa soo badanaaya cudurada nafsig ah kuwaas oo dadka mooraal ahaan ugu dhaca waxa jira dad badan oo dhibkani ku dhaco marka ay soo wajahaan duruufo nololeed.

 

Waxaa jira dhowr sababood oo suurtagal ah oo keena niyad-jabka. Waxana ka mid ah  taaiirkh qoys ama   duruufo nololeed oo qofka ku yimaada sababaha caamka ah waxaa ka mid ah:

 

Tariikh qoys isticmaalk maandooriyaha, duruufo  nololeed dhaawac maskaxda soo gaadha hurdo la’aan badan xanuun qofka asiiba

Qiyaastii 21%  dadka leh dhibaatooyinka isticmaalka maandooriyaha ayaa la kulma niyad jabka daran

Niyad jabku wuxuu u kala duwanaan karaa  noocyadan  iyada oo ku xidhan kala darnaanta calaamadaha qofku qaba

Dadka qaar waxay la kulmaan marxalado khafiif ah iyo mid ku meelgaadh ah, halka kuwa kalena ay la kulmaan xaalad kacsanaan daran oo joogto ah

Waxaa jira laba nooc oo waaweyn oo diiqad ah waxayna kala

yihiin : jahwareerka weyn iyo jahwareerka joogtada ah.

Jaahwareerka weyn.

Jaahwareerka  weyn waa nooca murugada ee aadka u daran. Waxaana lagu gartaa dareenka joogtada ah ee murugada, rajo la’aanta, iyo qiimo darrada uu qofku dareemo laakiin si lagu garto niyad-jabka caafimaad, waa inuu la kulumo qofku  5 ama ka badan astaamaha soo socda muddo 2 toddobaad ah:

 

inaad dareento niyad jab maalinta oo dhan

luminta xiisaha howlaha caadiga ah

miisaanka oo yaraada ama korodha

hurdo aad u badan ama aadan awoodin inaad hurdo seexato

fikir gaabis ah ama dhaqdhaqaaqa nololeed

daal ama tamar yari maalmo badan

Dareemid qiimo la’aan ama dambiilo nimo

luminta feejignaanta ama miyir-beelka

fikradaha soo noqnoqda ee dhimashada ama isdilka iwm

Jaahwareerka  joogtada  ah.

jaahwareerka  joogtada ah waxaa loo yaqaanay (dysthymia )  .   Waana nooc khafiif ah, laakiin waa nooc daba dheeraada

Maxaa lagu garan karaa?

Luminta  xiisaha howlaha maalinlaha ah ee caadiga ah

dareemid rajo la’aan

wax soo saar la’aan

isku kalsooni la’aan

diiqada iyo niyad jabka  si guul leh ayaa loo daaweyn karaa, laakiin waxaa muhiim ah in loo dejiyo qorshe  daaweyneed oo waxtar leh.

 

 

W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar)

Suxufi madax banaan

Hargeysa somaliland

Email: Cabdiraxmaan800@gmail.com

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso