Wasiirka Warfaafinta oo Sheegay wixii imika ka danbeeya lagu baadhi Doono Safmarka Covid19 dalka gudahiisa

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigelinta JSL Saleebaan Yuusuf Cali Koore Oo kamida Guddida heer qaran ka hortaga iyo xakamaynta Xanuunka Safmareenka ah ee Covid19 oo maanta Warbaahinta la hadlay ayaa Dadweynaha u sheegay inay u Hoggaansamaan Awaamirta kasoo baxday Guddida.

Sidoo kalena Waxa uu Bulshada ugu bushaareeyey in Xukuumaddu keentay Qalabtii Shaybaadhka (Laabb) ee lagu oggaanayey Cidda qabta Xanuunkaasi, islamarkaana hadda wixii ka danbeeya laga maarmay in Baadhista Dhiiga loo qaado Waddamo kale.

Wasiirku waxa uu Bulshada Reer Somaliland ku adkeeyey inay u hoggaansamaan ku dhaqanka Qodobada Caalamiga ah ee ka hortagga Xanuunkaasi iyo Awaamiirta Guddida iyo Wasaaradda Caafimaadka isalmarkaana Dadka ka foggaadaan Goobaha laysugu yimaado si looga hortago Cudurkaasi.

Advertisement

Ku Xayeysiiso