Daawo: Xildhibaan Cabdi Muuse Carten Oo ah Xildhibaan Heer Federal ah oo Shahaado Sharaf iyo Dul Balaadhan Lagu Gudoonsiiyay Dedaalkiisii Laydhka Qabri Dahare

Munaasabadii Xadhig Jarka laydhka 24 saac ee magaalada Qabridahare ayaa shahaado sharaf la gudoonsiiyay, shakhsiyaad door wayn ka ciyaaray hirgalinta mashruucan oo ay bulshada Qabridahare baahi wayn u qabeen.

Waxaana shakhsiyaadkaas hormuud ka ahaa xildhibaan Cabdi Muuse Cartan oo ah Xildhibaan heer fadaraal ah oo ka soo jeeda degmada Daroor ee Gobolka Jarar.

Xildhibaan Cabdi Muuse ayaa dadaal dheer ku bixiyay sidii magaalada Qabridahar u heli lahayd quwada laydhkan 24 saac. Masuuliyiinta maamulka magaalada Qabridahar ayaa tibaaxay inuu Cabdi Muuse mudo bilo ah ku nagaan jiray magaalada Qabridahar isaga oo kuur galaya habsami u socodka mashruucan isla markaana hadii uu gaabis galo socodka mashruucana uu wakhti ku bixin jiray inuu aado xarumaha ay khusayso sida Addis Ababa waxayna maamulku sheegeen in la’aanti isaga iyo 2 xildhibaan oo kale uusan mashruucani maanta hirgaleen, waxayna shacabka Qabridahar bogaadiyeen dadaalada ay DDS, ku bixinaysay daba ka riixida xildhibaanadan sidii uu mashruucani u hirgali lahaa,

Maamulka Qabri dahar ayaana shahaado sharaf gudoonsiiyay xildhibaanada shahaado sharaf, halka Cabdi Muuse si gaara loo gudoonsiiyay 500 oo kaaree oo dhul ah, doorkii halyaynimo ee uu ka qatay hirgalinta mashruuca laydhka 24 saac ee magaalada Qabridahare.

Advertisement

Ku Xayeysiiso